Qiimaha Tikidhada Suuqa Madow Ee Kulanka Ugu Danbeeya Steven Gerrard Ee Anfield Oo Gaaray 3 kun Doolar

(SLT-Landon)-Waxaa cirka isku shareeraya qiimaha tikidhada suuqa madow ee kulanka ugu danbeeya horyaalka ee Steven Gerrard uu ku ciyaari doono garoonka Anfield ka hor inta uusan ku biirin kooxda LA Galaxy.

Website-yada iibiya tikidhada suuqa madow ayaana haatan qiimaha tikidhada gaarsiiyay ku dhawaad 2 kun ginni oo ah laacag kor u dhaafeysa 3 kun doolar.

Tan iyo markii uu Steven Gerrard u ku dhawaaqay inuu ka tagayo Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan waxaa durbadiiba qaali noqday tikidhada suuqa madow ee kulanka Liverpool ay Anfield kula ciyaari doonta Crystal Palace bisha May kulankaasoo noqon doona kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka ee Gerrard uu ku ciyaaro garoonka kooxda uu kabtanka u yahay haatan.

Liverpool oo aan waxba ku kordhinin qiimaha tikidhada ayaana digniin soo saartay iyagoo sheegay inay la kaashanayaan ciidamada amaanka islamarkaana ay ka hortagayaan dadka tikidhada suuqa madow ku iibinaya

 

SomalilandToday/Landon/Office