Qiimaha Sarifka Suuqyada Somaliland Oo Kor U Kacay.

(SLT-Hargaysa)Qiimaha Sarifka lacagta Doolarka ayaa kor u kac ku yimi maalmihii ugu dambeeyay suuqa ugu weyn ee Somaliland, iyadoo markii horeba aanu sicirkiisu degsanayn.

Boqolka Dollar ee Lacagta Maraykanka ayaa sarifkiisa shillinku kor u dhaafay todoba boqol oo Dollar saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay, waxaana gacanta hore lagu kala sarifanayaa todoba boqol ilaa lix boqol iyo sagaashan kun inta u dhaxaysa (shls 700, 000- 690,000).

sarrifka-somaliland

Gacanta dambe ayaa lagu sarifayaa todoba boqol iyo toban ilaa todoba boqol iyo shan iyo toban, siday Gobanimonews u sheegeen qaar ka mid ah sarifleyaasha magaalada Hargeysa.

Kor u kaca Doolarka ayaa inta badan sababa Sicir barar ku yimaada baddeecadaha kala duwan ee Dollarka lagu iibiyo, kuwaasoo marka shillin somaaliland-ta lagu gadanayo qiimo sidii hore ka sareeya la siiyo.

“Halka Dollar ee Prepaid-ku maanta waa 8000 Shls, hadii qofku kaash sito, waayo dollarkiibaa cirka isku shareeray” ayuu Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dadka ka baayacmushtareeya Kaadhadhka Telefoonada gacanta lagu shubto.

Sidoo kale maceeshada kale ee daruuriga ah ayaa sicir-bararkani saameeyaa, iyadoo ay dadka danyarta ah arrintani saameyso dhaqaalahooda maalinle ah.

Ma cadda sababta keentay korodhka sarifka Dollar, balse waxa loo aanaynayaa Lacagta Dollarka oo suuqyada ku yaraatay, taasoo marka dhaqdhaqaaqeedu hoos u dhaco, shilin badan lagu bedesho si dadku u sariftaan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com