Qiimaha Lagu Sameeyo Baasaaboorka Cusub Ee Somaliland Oo Ka Qaalisan Baasaaboorrada Maraykanka Iyo Ingiriiska & Doodda Laanta Socdaalka

(SLT-Hargeysa) – Dadweynaha reer Somaliland qaarkood ayaa ka cawday qiimaha lacageed ee lagu qaadanayo Baasaaboorka cusub ee Somaliland yeelatay, kaasi oo ah mid casriiya (E-Pass Port).
Dadweynaha oo qaarkood saxaafaddu kula kulantay xarunta guud ee laanta socdaalka Somaliland ee Magaalada Hargeysa, ayaa xilli ay kuyuu dheer ugu jireen qaadashada Baasaaboorkaasi sheegay in qiimaha lacageed ee lagu qaadanayaa Baasaaboorkaasi ay aad u badan tahay, isal-markaana nidaamka oo marayo qaadashadiisa aad loo adkeeyay.

somaliland-passport

Qiimaha Baasaaboorka cusub uu qofku ku qaadan karo ayaa lagu sheegay $ 150 doollar, taasi oo aad uga badan qiimaha lagu heli jiray Baasaaboorkii hore.
Taliyaha laanta socdaalka Somaliland, Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) oo saxaafaddu waydiisay waxa ka jira in la kordhiyey qiimaha lagu qaadanayo Baasaaboorka cusub, ayaa sheegay in la kordhiyey, maadaama buu yidhi Baasaaboorka (Electronic Pass-port) uu ammaan ahaan ka wanaagsan yahay kii hore isla-markaana adeegyada gudihiisa ku keydsan ka badan yihiin kii hore.
Taliyaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Baasaaboorka sida lacagta ayaa dalal shisheeye laga soo daabacaa, ammaankiisa iyo adeegyada gudihiisa ku jira ayaa la kordhiyey (E-passport), waxaana ku jira calaamado aan kuwii hore ku jirin, waxa ku jira Sawirka oo koombuutarka lagu qaadayo, markaa waxa kordhiyey (qiimaha Baasaaboorka) E-passport-ka oo ka qiimo badan oo ka tayo badan kii hore, markaa taasi ayaa keentay in ajuurada la kordhiyo”
Baasaaboorkii hore ee Somaliland, ayaa qiimaha lagu qaadan jiray aad uga hooseeyay qiimahan imika, waxaana qofka qaadanaya Baasaaboorkaasi laga qaadi jiray lacag dhan $ 120 doollar, halka Baasaaboorka cusub laga dhigay $ 150 doollar.
Haddaba, si aynu wax uga ogaanno faraqa u dhexeeya qiimaha lagu bixiyo baasaaboorka Somaliland iyo ka dalalka adduunka, ayaanu waxaanu halkan idiinku soo bandhigeynaa qiimaha lagu qaadan karo Baasaaboorka dalka adduunka ugu dhaqaale badan wakhtigan, kaasi oo ah Maraykanka.
Baasaaboorka Maraykanka oo uu xaq u leeyahay inuu qaato qof kasta oo ka weyn 16 jir, marka laga reebo Baasaaboorka qoysaska la siiyo, ayaa waxa qofka doonayaa waxa uu ku codsadaa lacag dhan $ 67 doollar.
Waxaana qofka Maraykanka ah ee doonaya inuu helo Baasaaboorka dalkiisa uu hal mar wada geynayaa xarunta laga bixiyo, warqadda uu ku codsanayo in Baasaaboorka loo sameeyo iyo lacagtaasi ($ 67 doollar).
Qofka Baasaaboorka qaadanayaa haddii uu si deg-deg ah u doonayo waxa uu lacagtaasi ku darayaa $ 60 doollar, taasi oo qiimaha guud ee Baasaaboorka Maraykanka lagu heli karo ka dhigeysa ($ 127 doollar), hasa-yeeshee hadduu Muwaadinka Maraykanka ahi aanu deg-degaynin waxa loogu sameeyaa $ 67 doollar oo kaliya.
Sidoo kale, Baasaaboorka dalka Ingiriiska, ayaa dadka da’doodu tahay 16 jir iyo wixii ka weyn lagu siiyaa 72.50 lacagta Ingiriiska ah, carruurta da’doodu ka hooseyso 16 jir, ayaa iyagana Baasaaboorka loogu sameeyaa 46 lacagta Ingiriiska ah, halka dadka Ingiriiska ah ee ka dhashay 2-dii bisha September 1929-kiina lacag la’aan loogu sameeyo Baasaaboorka dalkooda.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday