Qiimaha Amniga Iyo Daganaanshaha….W/Q :Maxamuud Maxamed (Abu-cubayda).

Mahad Oo Dhan Ilaahaybaa Iska Leh Inoogu Nicmeeyey Nicmooyin Aad U Faro Badan Oo Aynaan Soo Koobi Karin.

Mahad Ilaahay Ka Dib Nicmooyinka Waaweyn Ee U Baahan In  Ilaahay Loogu Mahadnaqo Waxaa Ka Mid Ah nicmada  Amniga , Nabadgalyada  Iyo Daganaanshaha.

Hadaan U Soo Daandago Nuxurka Maqaalkan waxaynu si kooban isku dareensiindoonaa qiimaha  iyo faa’idada Amniga , Nabadgalyada  Iyo Daganaanshaha.

Maqaalkan Waxaan Ugu Talogalay Qofkasta Oo Soomaliya Oo Jecel  In Uu Helo Nabad Iyo Daganaansho  , Si Gaar Ahna Waxaan Ugu Wajahayaa Shacabka Reer Somaliland Ee Ay Soo Foodsaartay Waqti Dadku Ay Ku Jiraan Xiisad Iyo Xamaasad Indhaha Ka Riday In Badan Oo Kamid Ah Taas Oo Ah Xulashada &  Kala Doorashashada  Madaxwaynihii Shanta Sano Ee Soo Socda Hogaamin Lahaa Shacabka Reer Somaliland .

Nabadgalyadu Waa Nolosha Oo Dhan  , Hadaanay Nabadi Jirina Nolol Ma Jirayso .

Hadii Aynu Jaleecno Oo Aynu Milicsano Halka Diinteena Islaamku Gaadhsiisay Qiimaha Amniga Iyo Nabadgalyada Ma Aha Mid Aynu Soo Koobi Karno , Sababtoo Ah Diinteenu Waa Diin Badbaado Iyo Salaamo ah.

Axaadiista Ka Ansaxday Rasuulkeenii Muxamed Ahaa Nnkh Waxaa Ka Mid Ah In Uu Yidhi  (Qofka Waagu U Baryo Isagoo Amni Iyo Nabadgalyo Ku Haysta Baradiisa Iyo Gurigiisa , Jidhkiisuna U Caafimadqabo  , Quudkii U Cunilahaana Haysta Waxaa Uu Ka Dhiganyahay Qof Aduunkii Oo Dhanba Loo Soo Koobay Oo La Siiyey)

Ugu Danbayntii Waxaan Leeyahay Shacabka Reer Somaliland  Maanta Waxaa Aynu  Ku Soo Toosnaa oo aynu ku seexanaa  Nabad , Sidoo Kalana Hadaynu Taariikhda Dib U Milicsano Maynaan Ilaabin Maalmihii Colaada Iyo Qaxa  Ee  Aynu  Ku  Darxumoonay  Kaamamkii  Qaxoontiga Ee Balayalay yo Dulcad .

Waxaa Sidoo Kale Aan Inaga Qarsoonayn Waxaa Ka Socda Wadamada Hareeraheena Haday Noqoto Soomaaliya Iyo Wadamada Carabtaba.

Sidaas Daraadeed Waa Inaynu Ku Faro Adaygnaa Amniga Iyo Nabadqalyada  , Isku Meelna  Aynu  Ka Wada Istaagnaa Waxkasta Oo Amnigeena Khalkhal Ku Keenaya Gaar Ahaan Maalmahan Ay Doorashadu Soo Dhawaatay Iyo Maalmaha Ka Danbeeyaba Maadaama Ay Muuqato Saansaan Aan Quruxbadnayn Sidoo Kalana Dad Badan Ay Iskaga Qaldantay Qabyaaladii Iyo Xisbiyadii .

Guntii Iyo Gunaanadkii Waxaan Ilaahay Ka Baryeynaa In Nabada Uu Inoo Xoojiyo Inoona Siyaadiyo . ALLAHUMA AAMIIN

Wasalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuh

Maxamuud Maxamed (Abucubayda)

Email:Abucubayda01@Gmail.Com

Tell:+252- 63 – 4196612

          Hargeisa Somaliland