“Qayrkeen Dugsibuu Samaystay Dabaylaha Uu Ka Galo” Guddomiyaha Olombikada G/Saaxil

(SLT-Berbera)-Guddoomiyaha olombikada qaranka ee gobolka Saaxil ayaa dhalinyarada la magac baxaday ururka jiidal uga digay inay qabyaalad  iyo kala qaybin la soo doontaan  dhalinyarada gobolka Saaxil, sidaasina waxauu ku sheegay warsaxaafadeed uu soo gaadhsiiyay Wargayska Somalilandtoday,warsaxaafadeedkaas ayaa udhignaa sidan:

download (1)

 

“Waxaan maanta halkan kala hadlayaa dhalinyarada la magacbaxday ururka JIIDALI ee beryahanba wareegaysanaya gobolada dalka iyagoo dhalinyarada ku guubaabinaya inay u kala saaraan qabaa’il,maanta axan filayay in dhalita dalka iyo dadkuba ay dhaafeen xilli gii wax lagu dooni lahaa qabyaalad iyo aniga ayaa reer hebel ah. Waxaan jeclaa in fekradda la abaabulo oo laqaato fikir kaas ka duwan , waxaan warbaahinta ka maqlayay inay ku socdaan Gobolka Saaxil gaar ahaan berbera ,haddaba saaxiibaday waxan u sheegayaa in gobolka saaxil uu yahay Muraayada Somaliland ,cid walibana ay ku nooshahay cidina aanay  cid ka sheegan Karin wax waxaana la yidhaahda Berbera waana magaaladii ubucda u ahayd dalka ,uamana baahna Barnaamijka aad wadaan inaad kala fogaysaan ama kala qaybsiaan dhalinta ku nool gobolka saaxil anigoo idinka idina la talinaya ,waxan idiin sheegaya haddii aad  isku daydaan oo aad diisha u soo dhaansataan G/Saaxil gaar ahaan Berbera inaad kala kulmi doontaan cawaaqib xumo iyo fashilaad aad uweyn”

Guddoomiyaha Olombikada Qaranka Ee Gobolka Saail

Shaafici Maxamed Aadan