Qaybta Labaad Ee Taxanaha Wargeyska Somalilandtoday Uu Ku Eegayo Musuqmaasuq WFP

(SLT-Hargeysa) – Warbixinta aanu ku eegaynay khaladaadka iyo musuqmaasuqa baahsan ee hadheeyay xafiiska hay’adda WFP  ee Somaliland, kaasi oo aanu qaybtii hore idiinku soo gudbinay cadadkii Arbacada, ayaanu maanta oo Sabti ahna aanu idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee war-bixintaasi.

Hay’adda WFP oo qaabilsan barnaamijka  cunnada Adduunka ayaa waxay dadka Somaliland ka hortaagan tahay inay ka baxaan mushkiladda faqriga baaxada leh ee ku salaysan dalag la’aanta haysata beeralayda dalka.

Haddaba akhriste su’aal ayaa meesha taala oo ah xilima ayay qaybisaa ama soo saarta raashinka ay ka soo dhoofiso Maraykanka?.

Inta badan hay’addan ayaa raashin gellay u badan ka soo dhoofisa waddanka Maraykanka, raashinkaasi ayaa waxa lagu xareeyaa bakhaaro ama hangar waaweyn waxaana la soo saara marka ay beeralayda danyarta ah ee waddanku ay soo gooyaan dalaggii beeraha uga baxay gaar ahaan galayda, ujeeddaduna waxay tahay inaan dadka beeralayda ahi aanay wax soo saar samayn taasina waa sababta inoo horseedaysa faqriga iyo inaan gaadhno isku filaansho.

 

download

Dhinaca kale, haddii aynu eegno raashinka ay ay qaybiso hay’adda WFP ma leeyahay tayo ku filan oo istaahisha in lagu isticmaalo , jawaabta waxa laga yaaba in dad badan oo caqli iyo aqoon lihi ay garanayaan, sida caadiga ah marka raashinkan la keeno Somaliland waxaa lagu kaydiyaa hangar, hangaradaas oo ay ku jiraan muddo badan waxaana la qaybiyaa raashinkaas isagoo daaniye galay ama inta badan baali ah oo aan ku haboonayn in la cuno, taasna waxaad ka arki kartaa raashinka ama cuntada ay qaybiyaan.

Sidoo kale, intaas oo kali ah maaha dhibaatada ay WFP ku hayso isku filaanshaha Somaliland, waxay lacago malaayiin doollar ah ku soo qaataan raashin tayadiisu hoosayso, waxaanay soo saaraan diyaarado ama maraakiib, akhriste bal waxaad qiimaysaa qarashka ku baxaya takliifadda intaas le’eg , sidoo kale waxad qiyaastaa haddii lacagtaas haddii la galin lahaa barnaamij ka waxtar badan kan hadda oo dadka ka faa’idaystaa ay iska yaryihiin, ama lagu maal galin beeralayda dalka.

La Soco Qayb la xidhiidha War-bixin Qaramada Midoobay hore uga soo saartey xafiiska WFP ee Somaliland.