Qaxoontiga Muslimiinta Myanmar Oo Laga Dayrinaayo Xaaladooda Iyo Wafti Culus Oo Turkigu U Diray Bangladesh +SAWIRRO

(SLT-Ankara)—Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tiro kabadan 300,000 oo Muslimiinta Rohingya ay ka qaxi karaan gobolka Waqoyi Bari ee dalka Myanmar iyadoo ka digtey gargaarkaadka u yar ee la gaarsiinayo dadkan oo badankood u soo qaxay dalka Bangladesh.

Sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Bangladesh gobolka xadka ee Cox’s Bazar ayaa waxaa soo gaaray qaxooti gaaraya 146,000 labadii toddobaad ee la soo dhaafay. Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Myanmar ay miinooyin dhulka ku aaseen si aysan uga gudbin xadka dadkan qaxootiga ah.

Dadkan qaxootiga ah oo qaarkood xanuunsanaya qaarna ay dhaawacan yihiin ayaa kamid ah kumanaan qaxooti ah oo aan haysan hoy,cunto iyo daawooyin. Qaxootigan ayaa qaarkood waxa ay isticmaalayaan dooman iyadoo kuwo badana ay dhulka ku imanayaan deegaano kala duwan. Waxaa soo baxaya baaqyo kala duwan oo ah in muslimiinta ay caawiyaan dadkan qaxootiga ah ee ka soo cararay wadankooda.

Dhinaca kale waxaa maanta gaaray dalka Bangladesh gaar ahaan goobta ay ku dhibaateysan Muslimiinta Rohingya wafdi ka socda dowladda Turkiga.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga iyo sidoo kale Xaaska Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordagan. Ujeedka ay halkaasi u gaareen ayaa lagu sheegay in tahay dardargelinta howlaha lagu gargaarayo Muslimiinta Rohingya. Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhibaatada lagu haayo Muslimiinta kunool dalka Myanmar.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office