Qarankan 24 jirsaday Uma Baahna Siyaasi Saaqiday

Somaliland maanta waa 24 jirsatay qori isu dhiibkeeduna wuxuu marayaa 4 Madaxweyne, waxay haysataa cudud ciidan , calan qiimo leh, lacag wacan, ciid xalaala, dawlad horumar leh bulsho hayaan ugu jirta hiigsiga wax qabadka iyo horumarka, mudadaa afar iyo labaanta sanadooda Somaliland maalinba marxalad bay maraysay  maanta waxay maraysaa marxaladii ugu fiicnayd ee ugu wanaagsanayd inta taariikhda lagu hayo.

dadka-Somaliland

Shacabka Somaliland sanadkii 2010 kii 26 jun waxaa usoo baxday cad ceed ka duwan kuwii hore  waa maalin dalku galay isbedel islamarkaana ay rumowday rajo in badan lagu taamayey ka dib markii doorashadii Madaxtinimada uu ku  guulaystay Xisbiga kulmiye uuna Hogaaminaayey  Ruug cadaaga siyaasada Madaxqeynaha Qaranka ee Hada Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ooh ore taarikhda Somaliland baal dahaba ka jiray kuna suntanaa halgankii xoraynta hogaamintiisii .

Waxaa marag ma doona in dalkeena Somaliland  5 santaa sanadood uu maraayo meel wanaagsan dhankastoo ay ahaataba, hadana waxaa wanaag iyo horumar dalka laga qabtay dad baanay u muuqan oo iyagi sita muraayado madow islamarkaana ku jira mugdi,  muraayadaha way iska bixin karaan si wacana wax waa u eegi karaan balse waa ku xanuusanayaan hadii ay sida dhabtaa wax u eegaan oo idhahooda kala furaan waana ka gunayaan cidi hoosteed oo horumar ah qarankuna uu gaadho.

Waxaa hubaala xisbiyada mucaaridkaa ee maanta ka jira Somaliland inay soo istaadheen qabyaaladii ragooda masuuliyiinta ka ahi hankoodii dhaafi waayey qabyaalad, waxay maciin bideen inay ku shinbira waaqleeyaan  dakd u sara kacay samaanta iyo horumarka qaranka, waxay caadaysteen  inay warbaahinta ka caayaan si islaamnimada iyo asluubta ka baxdan u wareeraan hadba cida ay shiishka saaraan ee ku jirta dawlada,  Somaliland waxa lahaan jirtay mucaarid sheega dhaliisha iyo waxa khaldan bulshada ka dhaadhiciya hiigsigooda mustaqbal kuwa maanta qabyaalada ku faanaya side qarankeena suufka iyo xanjada aynu ku dhisnay ugu aami karnaa, dadku dooni maayaan wax ku celiya 1991 kii ee waxay doonayaan inay dalka dumiyaan balse iyaga haku koobnaato dhagarta ay doonayan.

Miss: Ugbaad Jalaqsan

ugaabjalaqsan@gmail.com

Oslo Norway