Qaramaynta Qabyaalada Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan Bartay Aqoontaka Xeerarka 8/10/2014

Gayigan aan ku noolnahay manta, ee u samaysan in bulshooyinku ku dhawrtan danahooda hab qaramaysan, waxa uu dhabarka ku haya, dan bulshooyinku ay ku dhawranayaan wadarnimo taas oo aan kalinimo aan ku baylah tirmayn.

Hadaba hadii aanay bulsho qarnigan aan joogno aanay u noolaan Karin kalinimo danaheedana aanay ku dhawran Karin kalidaas, waxa qaran u taagan yahay bulsho isku dan ah oo dhawrida dantaas wadarnimo ka dhaxayso, una taagan yahay qaranku.

Waxase meesha taal qaranaw maxaad tahay?

Qaran waxa uu eray-bixin ahaan uu ka soo jeedaa hadhuudhka marka madaxa laga jaro, ushiisa dheer baa la yidha qaran, ee xoolaha loo dhigo, waxa kale oo uu u taagan yahay erayga qaran isu-tagooda, oo waata la yidhaa qarankaas u soo dhig xoolaha, inta badana

waxa la siiya xiliga aanu doog jirin.

Hadaba hadii qaran uu ka soo-jeedo dhanqankeena miyi ee aan dhamanteen ku wada dhaadano, una taagan yahay wadarnimo, se ta aan u jeedaa maaha taas eraygu dhab ahaan u tagan yahay ee waxa aan u jeeda waxa kale ee uu manta u taagan yahay, waxana qaran uu yahay bulsho dan-wadaag siyaasadeed ah oo soohdin siyaasadeed oo la yaqani ka dhaxayso.

Eray ahaan waxa uu qaran u taagan yahay hadiiba uu kaas yahay waa maxay qayaaladi?

Erayga qabyaalad waxa uu ka soo mulaaxsamay erayga qabiil oo ah dad wadaaga hayb dhalasho, oo isugu taga halo oday, haba isu kala dhawaadane. Taasina waa ta haboon, waxa kaliya oo ay u taagan tahayna waa in la isku garto, oo qofku nasabkiisa ku xidhiidhiyo, waana sida Eebe sheegay, waxa kale oo ay u taagan tahayna ma jirto, waana dhanka wanaagsan ee aan si kal iyo laaba aan u taageerayo, waana soohdinta ay ku dhamaato ee aanay cidi dhaafin Karin, hadiiba ay dhaafisana waxa ay u gudbaysaa qabyaalad oo ah is-xigtaysi gun iyo baar ay u tahay haybi, gar iyo gardana la isku garabaysanayo hayb, wax kastana lagu eegayo isha haybta, waana ta ah qudhunka iyo qadhmuunka ku yahay, waana soohdimaha xidhan ee aan kali iyo wadarnimo aan lagu dhaafi Karin, hadaba isku wada dar labadaba oo waxaka reeban in ay dan-guud oo dhawrideeda wadarnimo lagu ilaashanayo in ay soo galaan, waxana dantaas kaw ka ah qaranimada, iyo dhamaan wixii u taagan danta guud ama kaabaya danta guud.

Aan intaa ku soo xidhi qeexida earay-bixinada labaada eray, oo aan gunta u soo dago, toosana aan u abaaro halka aan u qalin qaataye.

 

sa

Qarankeenu guulo badan buu soo gaadhay, oo mid walba ay ku suntan yihiin ragii dhaliayay guushaas, waxan ugu mudan oo aan sheegi karaa waa qaramayntii maleeshiyaadaka, oo aanay la’aanteed jirteen waxa aan manta haysano, oo noqotay in si sugan dhidibka loogu aaso qarankeena, waxa guulo ee taas ka dambeeyayna ay ugu weynayd in hab iyo hanaan qarankeenu ku sii socdo loo sameeyo, taasina waa in hadaba cidi hogaamiso qaranka, oo facba fac u dhiibo hogaaminta bulshada, hadaba iyada oo taasi jirto waxa manta aan raba in aan meel kale oo ina hawshay qarankeenuna ka talaabsan waayay aan hal mar yar iyo weynba aan u wada istaagno sidii aan u qaramayn lahayn, waana mid ka ugu weyn ee libtaas qaramaynta maleeshiyaada soo labeeya, waxana weeyi in aan qaramayno qabyaalada, waxana aan halkan si hufan oo sigib-tiran aan u soo ban-dhigayaa habka iyo wadiiqada ugu fudud ee aan hawshaas u galayno, iyada oo aan loo kala hadhayn, hogaanka manta joogaana calkanka inoo sidaayo, waayo madaxa meel ka sarysa oo la salaaxaa ma jirto, cida ugu horaysa ee farta lagu godayaana waa isaga.

Waxana ay qormadani ku taagan tahay weydiimahan

1- Qaranka Somaliland maxan u dhisanay?

2- Habkeen u qaramayna qabyaalada?

3- Oday dhaqameedka iyo kalintiisa

1- Qaranka Somaliland maxan u dhisanay?

Qaran waxa ay bulsho u dhisataa waa in ay ku gaadho dan iyo baylah ay wadarnimo kaliya ku gaadhi karto, oo aanay ku gaadhi Karin kalinimo, hadaba iyada oo taasi tahay ta ugu mudan ee aan qarankeena Somaliland u dhisanay, waxa iyaduna soo raacda ma is galayaan qabyaalad iyo qaran?

Hubaal waa maya, se waa hadaba sida aaan ka dhigano hadii aan nahay bulshada, waxa se murti somaliyeed tidhada gabadh ayaa walaalkeed naaska qabtay, markaasay tidhi naaska walaalkay I qabtay waa hadaba sidaan ka dhigto, hadii aan raga ina hogaamiya aan u argon in ay yihiin raga matala beeshooda, waa sidaas aan ka dhiganay, hadiise aan u aragno rag qaran oo aan kula dhaqano mid kasta hawsha uu hayo, taasana aan kula xisaabtano, waa sida aan ka dhigano, waxase meesha taal waa in aanay iyagu ina dareen-siin in ay meesha u joogaan beelo, kan hawsha qaran u dhiibayaana aanu ku keenin meesha saami beeleed ee waa in uu ku keeno kartidiisa iyo in uu ka soo bixi karo hawshan iyo in kale.

Waxase dadka qaar yidhaadan iyada oo ay been tahay kuna doodaan saamigayagii baa maqan, waxa kaliya oo ay wax ku eegayaana waa madax tirsasho uu madax taabanaayo inta beeshiisa iyo beelaha kale kaga jirta, hadba dhabka uu doono ha ka eege, se waxa muuqata in uu beel wax ku doonayo ee aanu rabin in uu wax-qabad dhaba helo, waxana dhab in aan saamigayga isii oo beelaysan iyo wax ii qabo aanay madal soo wada fadhiisanayn, ee hadii mid soo fadhiisto kan kale meesha aanu soo fadhiisanayn, mida kale hadii aan bulshada nahay waxa aan u haraadanahay waa wax-qabad ee kuraas la inoo badiyo uma baahnin, waxana dhaba oo iyaduna meesha taal dhaqaluhu laba jeeb ma wada galo hadii xilka beelnimo la nagu sii aan nidhaa, ogaada oo beel waa dhaafaysa hawshu oo jilib jilib bay gaadhayna, waxana u fudud hogaanka in uu beelbeel ku qaybiyo, waayo dhaqalaha yar waxa uu uga dhigaya gunooyin iyo mustafayn ay ku mustafeeyan beelahooda, oo ay ka wada dhigaan kuwo gar iyo gardaraba ugu durbaan tuma, se hadii aan nidhaa inta aad wadadaas iyo habkaas aad wax ku qaybin lahayd waxaka haboon in aad ku bixiso xilka yaa qabankara hawshan, intii aad gunooyin ku bixin lahaydna wax noogu qabato, ogawna madaxweyne waxa aan rabnaa maaha xil ee waa in aad baahiyaha dhabta ah ee aan u baahanay aad waxa nooga qabato, dhaqalaha yarna aad halka ugu haboon aad noo galiso, inta aad nagu kala xadayso, ee aad nagu kala mustafaynaysana aad waxa noogu qabto, ileen taas baa ka raandhiis wacane.

Waxa dhabta ah ee aan qarankeena u dhisanayna waa taas, ee maaha in aan qaranimada kala dhacano, sidii aan geela u kala dhici jirnay, oo aan nidhaa anaga ka wasiiro badan reer hebel, reerka laga wasiiro bataan uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulo sidii uu isana markiisa u badsan laha, nolosheenana aan ku dhamaysano, kala badsasho, kala jiidasho, halka ay ka mudan tahay in aan dhalaankeena iyo ubadkeena dambe aan uga tagno dhaxal, ay inagu mahadiyan oo ay yidhadan walee rag bay ahaayeen, wixii dhexdooda yaalay oo dhan waxa ay u halmaameen in ay inag waxa muuqda inooga tagan, ubadkeenuna ay uga tagan ubadkooda mid ka sii wacan kana an uga tagnay iyaga oo ay wax ku siidaran wanagas, hadii se boqonta la is wada qabto, ogaada qaran daldaloolo badan leh ban uga tagayna ubadkeena, waxana soo gudhayaan wada lahaanshaha Somaliland.

Mida kale Somaliland wada lahaan shaheedu maaha in beel kasta ka muuqato hogaanka oo qaranla lagu kala qaybsado saami iyo saami, ee waa in dhaqalaha aan hayno aan wada galina dhulkeena, sida loo kala mudan yahay iyo waxa loo kala baahi badan yahayna aan u kala hormayna baahiyaha qarankeena, waana inagu filan yahay hadii aan dayno qabyaalada iyo wax ku doonkeeda, hogaankeenana aan midaas uga dhigno hal-beeg, hadii aan bulshada nahayna aan si dhaba u joojino qabiilaynta hooganka qarankeena inoo hogaaminaya, oo aynaan o dhan beeshayada maxaa ugu jira, iyo beel heblaayo ma ka badanahay mise dorkan waa naga bateen.

2- Habkeen u qaramayna qabyaalada?

Waa weydiinta laf-dhabarta u ah qormadan, waana weydiin dhamaanteen maankeena ka guuxaysa, sida iyo qaabka aan doono ha uga guuxdee, waana mida lagu dhiiran la’yahay, ee nin kasta ka giigayo, kana gaws-adaygaayo, se gayigan aan ku noolahay waxa aan furdaamin lahayn oo jiraa ma jirto, ee inaga ayaa furdaaminta ka warwareegayna, ama aan garanay, se tan manta waxa aan si gun dheer aan ugu dagaya habka iyo hanaanka aan u arko in xanuunkan aan uga daweyno bulshadeena inaga oo dhibtan u badalayna dheef.

Waana sidan

1- Isku xidhida aqoonta iyo kartida

Tan iyo malintii aan dhalanay waxa waalidkeen u taagnaa mood iyo noolbana ay u baxsheen waa in aan aqoon barano, taas oo heer ay ka gaadhay ay ubadkooda u diraan meelkasta oo ay aqoon iyo kasmo ka soo heli karaan, waana mid aad u wacan in dheefta soo gasha qoyska Somaliland ay 60% ka badan galiyaan aqoonta iyo raad-sashada aqoonta, hadii ay gude tahay iyo hadii ay dibadba tahay, se waxa taas barbar taala in wiilka ama gabadha sidaas loogu soo rafaaday ee hantida ah, in malinta ay timaado in abaalkaas ay celiyaan ay si dhaba oo aan lala gabanayn in hayb iyo hilba-wadaag lagu shaqaalaysiiyo, iyada oo waxa ugu horeeya ee laga eegaa tahay haybta aan rabo ma tahay, mase yahay mid danheena u adeega, iyada oo ay tahay in aqoontiisa iyo kartidiisa looga dhigo hal-beeg, iyo waxa uu ku xil qaadanayo, se taasi ma dhacdo, ee waxa dhacda taas hore, hadaba waalid maanay kugu ceeb iyo milgo-tirba ahayn marka aad dheeftaadii oo dhan aqoon igu baratay in aad wanaga dhaamayn weyday, oo aad nagu kala saraysiin lahayd maxad baratay iyo maxad taqanaa, halka aad ka dhigteen waalid beesheed ka soo jeeda, iyo isku jufo hoose ma nahay, mise waa qoladii, inta aad farta nagu godan.

2- Ku bixinta xilka exam iyo karti

Dhibta ugu weyni waa aan iska dhex arko xil kasta iyo kursi kasta, beeshayduna dhamaan ha wada qaadato, hadii laga tagi waayo, mid mid mustafayn ah u tuur beelaha kale, waa aragtida dhabta ah ee manta ka taagan gudaha qarankeena Somaliland, iyada oo aan la iskala xishoonay.

Hadaba ma tahay tani gar, mise dhan kale ayaan uga guurna, digadan iyo dambaskan ay dhuxushu ka hoosayso, waxa dhaba in dhibtaas aan u badali karno dheef, hadaba habkeen ugu badali karnaa dheef?

Qarankeenu waxa uu lee yahay wax la yidha hayda shaqalaha dawlada, iyada lafteeda ayaahawshaas qabanaysa hadii ay dawladu u baahato shaqaale, waxa ay waaxdii u baahata u soo gubinaysa hayda shaqalaha dawlada oo ku baahinaysa in waax heblaayo ama wasaarad heblaayo ay u baahan tahay shaqale intaas ah, waxa looga baahan yahayna ay ku soo hagaajiyan hayda shaqalaha dawlada, si furan oo aan qarsoodi ahayna loo baahiyo, marka ay mudadada baahintu dhamaatana imtixanka laga qaado, si toosana loo baahiyo cida ku guulaysatay shaqada, waaxdiina sidaas loogu gudbiyo.

Mida kale oo iyaduna meesha taala waa, hadii taas lagu qaato shaqaalihi dawlada, habkee loo qaadanaya xilalka la magacabay? Iyaduna waa fududahay, madaxweyne waxa aaan u wada taaganahay waa in aan u wada aadeegno bulshadeena, taasina waa ta magacaaga iyo maamuuskaaga dhisaysa, ee maaha in kabo-qaadnimadu ay dhisayso magacaaga, ee xilka aad magacaabayso cida kartida u leh, ee hawshan gudan karta u dhiib, haba aad necbaatide, waxana ka weyn hawsha aad wada rabtaan in aan guul ka keentaan, oo ah in qarankeenu gaadho dhigi, dadkeenuna ay helaan adeeg hufan oo aan mustafayn lagu darin.

Waxase taas barbar taala, hadii hawshi dawlada sidaas loo maamulo, xilkana habkaas lagu bixiyo, waxa hadhay, shaqaalaha rayidka ah ee aan u shaqayn dawlada, iyada ayaaba ka sii fudud, kuwaas, waa maxay?

Qarankeenu waxa uu leeyahay wasaarad la yidha wasaarada shaqada iyo daryeelka bulshada, taas baa waxa ay waax u samaysanysa shaqalaha rayidka ah, waxana ay soo saaraysa xeer lagu maamulo, kaas oo ku waajibinaaya dhamaan cidii u baahan in loo shaqeeyo, in ay keento xafiiskaas, waaxda shaqalaha raiyadka ah, ay wasaraduna baahinta rasmiga ah ku soo saaro, in meel heblaayo u baahan tahay shaqaale, wixii looga baahan yahayan ay sheegto, iyo malinta ay imtixanka galayan, cidii heshana si toosa baahinta loogu sheego, cidi soo-codsatayna toos loogu gubiyo, ileen loo shaqeeyuhu waxa uu rabaa waa karti iyo hufnaan hawshiina in sida ugu haboon iyo cida ugu habooni u maamusho, ama uga shaqayso.

Waxa kale oo taas barbar yaala in wasaradu ay canshuur ka qaadato dhamaan shaqalaha rayidka ah, taas oo ay dheef uu qaranku ka helaayo, qayaaladiina meesha looga saarayo, waxana dhaba in qaranku canshuur ku leeyahay hawl-kasta oo laga dhex qabto, iyo cid kasta oo ka dhex shaqaysata, qaranka gudihisa.

Waxa dhaba in aragtidu fududahay, oo aanay u baahanay xoog iyo jujuub ee kaliya ay tahay xeerar la soo saaro iyo in la fuliyo xeerarkaas, waxa aan qaramaynay maleesiyaadka inag oo xoolo iyo xoogba u haysan ee manta oo aan xoog iyo xoolo u haysano, ayaan intaas yar aan u fulin la’nahay si aqoon iyo kartii ku dheehan tahay.

Intaasi waa inta aan u arko in dheef loogu badali karo qabyaalada, bulshada iyo qarankuna ay uga wada dhargi lahaayeen barwaaqada iyo deegaanta ay inag hor-taagan tahay qabyaaladu.

3- Oday dhaqameedka iyo kalintiisa

Waa dhab oo dhaqankeenu waxa uu leeyahay madaxa iyo mijo, taasnina waa waxa aan manta halkaas aan ku soo gaadhnay, oo maaha waxa aan rabo in meesha laga saaro, ee kaliya waxa aan raba in halka uu gaadhayo iyo halka aanu gaadhayn si dhaba loo kala cadeeyo, oday dhaqameedku, waa dhab oo beel buu matala, oo uu u yahay duubkeeda, se waxa ay beeshu u dooratay maaha in uu meel kasta magaca beesha la tago ama la galo, ee waa in uu arimaha dhaqanka ee beeshiisa ama beelaha kale dhex mara uu u kala guro, kana gar-sooro, ee maaha in uu la botoriyo kana boodo dheel kasta.

Oday waxa kaa reeban in aan siyaasada aad gasho, ama aad cid calanka u qaado, ama aad u adeego, maxaa yeelay waxa aad tahay dhamaantood kakawada sareeya ee waalidka u ah, hadii aad halkaas ka soo dagto, ogaw waxa aan timi goobtii kal-sooni-darada, waana goobta hoos u dhigaysa milgaha iyo maamuuska aad ku dhex-leedhay ubadaka aad suldaanka u tahay, waayo waxa aad timi goobtii lagu kala aragti gadisana, waxana aad u banana-taala in waxa lagaa sheego, waxasina maaha wax adiga iyo magaca suldaanimo ama dhaqan ee aad sidato u ah maamuus, ee milgo iyo maamuus tirid buu kuu sidaa, ee ka dhex bax siyaasada iyo cida isku haysa, kaliya hawsha laguu diratay waa dhaqan, ee taada wado, taas baa ka raandhis badan tan aad hada u baxbaxsanayso e.

Waxa kale oo meesha taal in labada gole soo saran xeer lagu maamulaayo oday dhaqameedka, kaas oo qeexaya waxa ka reeban iyo waxa u banana, iyo halka soohdintiisu kuegtahay, iyo habka iyo hananka loo dooranayo, iyada oo waxa oo dhami ay u taagan yihin dhawrida silsiladaas dhaqan ee aan baadi-sooca u leenahay, in dhaawac gaadho, dhamaanteena waa in aan wada ogaana in odayadaasi ay abaal dhaba inagu wada leyihin, waana meeshii halista inag soo saaratay, waana meesha aan dhamaanteen u soo wada ooyayno, hadii wax yimaadan, ee aan si dhaba u wada dhawrano.

Waxaas oo dhan waxan kaga badbaadaynaa, waxa manta bilawday, ee ah in jufo waliba ay suldaan yeelato, ilaa dumarkii ay gadhen in ay yidhadan anaguna suldaan baanu yeelanayna, waa dakharo loo gaysanayo dhaqankeena, oo ay tahay dhamaanteen in aan u wada gurmano, sidii ay iyaguba inoogu gurmadeen, xiligii dhibta, somalida ayaa ku maahmaahda labadaada gacmood hadba mid baa la barkadaa, ee manta waa malintii aan dhaqankeena u gurman lahayn, waana waxa bulsho lagu soo sumad-sooco, ee ay kaga gadisan tahay bulshooyinka kale.

Waxana aan maamuus aan ku leenahay bulshooybika dunida inta aan dhaqankeena dhawrano, oo aan ka ilaalino dhaawaca iyo waxa hoos u dhigaaya

Waxa aan ku soo xidhay qormadan hawshu waa mid inoo wada taal, waana mid aad iyo laxaadd loogu baahan yahay in dawladu ay calanka u qaado, gaar ahaan odayga, oo ah nin wax badan og’ oo aan waxaba loo sheegayn, waana waxa ugu mudan ee manta uu ka tagi karo, in uu ubadkiisa ka cidhib tiro qabyaalada iyo nin jecelaysiga.

Guul iyo gobanimo waxa leh cida hadh iyo habeen u taagan qarankeena baylahdiisa

Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

Bartay Aqoontaka Xeerarka

8/10/2014