Qaramadda Midoobay Oo Ku Guuldaraysatay Xakamaynta Cudurka Halista ah Ee Ebola.

(SLT-Newyork) – Masuulka Qaramada Midoobay u qaabilsan Ebola ayaa sheegay in adduunku ku guuldaraystay dadaalkii uu ku doonayay in cudurkaasi uu ku xakameeyo, iyada oo la qiyaasayo in ay soo baxaan kumanaan kiis oo cusub oo cudurka Ebola ah bishan December.un

Anthony Banbury ayaa Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay ‘in tartankii ay ugu jireen in ay cudurka ku xakameeyaan in uu cudurku ka raayay ama ka badiyay’

Hay’adda Caafimaadka Adduunku waxa ay sheegtay in caabuqaasi dilaacay ay u dhinteen 4,447, dadkaas badan kooduna waxa ay ku dhinteen galbeedka Afrika.

Sierra Leone, Liberia iyo Guinea ayaa ah wadammada uu waxyeelada ugu wayn u gaystay caabuqu, kaas oo bilawday bishii December ee 2013 laakiin la xaqiijiyay bishii March ee sanadkan.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com