Qaramada Midoobay Oo Si Weyn U Canbaraysay Qaraxii Lala Beegsaday Madaxweynaha Cusub Ee Somaaliya.

(SLT-Hargaysa)- Wakiilka  Qaramadda Midoobay u qaabilsan  Somaliya Iyo Somaliland,  Agustino Mahiga ayaa cambaareeyey qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday  Huteelka Jaziira ee magaaladda Muqdisho oo uu degenaa Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud. Bayaan ka soo baxay xafiiska Safiirka Qaramada Midoobay Mahiga ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid fuleynimo ah oo laga xumaado, isagoo xusay inuu yahay mid lagaga soo horjeedo isbedelkii qiimaha laha ee shacabka Soomaaliyed ay ku talaabsadeen. Isagoo arrimahaad ka hadlaayana wuxuu yidhi.

“Waxba u dhimayso isku dayga noocaas ahi  nabadaynta  iyo dawladnimada Soomaaliya, kooxaha falalkan ka dambeeyana waa kuwii fashilmay, markii awooddiidii la wiiqay”.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen saddex nin oo waxyaabaha qarxa isku soo xidhay ku waas oo  dhammaantood  la dilay, wuxuuna xusay iney ku dhinteen  weerarkaas askari ka tirsan ciidamadda Amisom iyo saddex askari oo Soomaali ah.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay xoghayaha guud Qaramadda Midoobay  Ban ki-Moon ayaa sheegay inay si weyn Qaramada Midoobay u canbaraynayso weerarkaas, uuna ahaa mid argagixasinimo ah  oo ay ka dambeeyeen kooxo aan dan ka laheyn nabad iyo degnaansho ka islaaxa waddanka Somaaliya. Isagoo xusay in Xoghayaha guud ee Qaramada Moodbay iyo golahaasiba tagerayaan nabada Somaaliya.

 Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com