Qadar Oo Beenisay Inay Taageerto Daacish.

(SLT-Doha)-Saraakiil sare oo ka tirsan dalka Qadar ayaa beeniyay eedeymo sheegayay in dalkaasi uu dhaqaale siiyo kooxo argagixiso ah oo ka jira gudaha dalka Suuriya sida kooxda Khilaafada Islaamka.

Saraakiishani oo uu ka mid yahay agaasimaha mukhaabaraadka dalkaasi Qadar ayaa sheegay in dalkaasi uu taageero dagaalyahanada qunyar socodka ah, iyaga oo si dhow ula shaqeynaya CIA-da mareykanka iyo laamaha kale ee sirdoonka waddamada reer galbeedka iyo kuwa carabta.

120114130615_qatar-amir_304x171_afp_nocredit

 

Balse waxa ay saraakiishani muujiyeen in dad horey qunyar socod u ahaa in ay haatan ku biireen kooxaha mayalka adag ee sida daacish oo kale sababo la xidhiidha colaadda Suuriya oo mar waliba dhinac isu badaleyso.

Saraakiishani ayaa hadalkani  sheegay ka hor booqasho uu usbuucaan Britain ku tagi doono hoggaamiyaha dalkaasi Qadar Sheekh Tamim bin Xamad al-Thani.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com