Qabanqaabada Shirka Dhalinyarada Somaliland Oo Socda Iyo Wasiirka Dhalinyarada Oo Dafiray Jiritaanka Shirkaas.

(SLT-Hargaysa)-Koox dhalinyaro ah oo uu hogaaminayo Ugaaska dhalinyarada Somaliland Nagiib faysal Nuur  ayaa ku hawlan abaabulka shir ay ku kulmidoonaan sida la sheegay dhalinyarada Somaliland shirkaas oo ay kaga tashan doonaan mustaqbalka iyo aayaha dhalinyarada Somaliland.

Qabanqaabada  shirkan oo aanay ujeedadiisu cadayn ayaa si wayn looga dareemay inta badan gobolada Somaliland, iyadoo kooxdan dhalinyarada ahi ay maalmihii u dambeeyay socdaal ku marayeen qaar ka mid ah gobolada dalka, iyagoo sdia wararku sheegayaan haatan ku sugan degmada Cadaadeley oo ay ugu talagaleen inuu shirkani ku qabsoomo, waxaana  wararku sheegayan in dhalinyaradda ay xoolo ku caawiyeen cuqaal iyo salaadiin ka mid ah dhaqanka Somaliland.

???????????????????????????????

 

Haddaba shirkaasi ay intooda badn ka war hayaan shacabka Somaliland ayaa waxa si la yaab leh iskaga indho tiray  wasiirka dhalinyarad iyo ciyaaraha Somaliland Md. Cali Siciid Raygal oo aanu isku daynay inaanu arrinatn wax ka waydiino ayaa sheegay in-aanu ka warqabin, isagoo si cajiib ku jirto dib u waydiiyay wargayska Somalilandtoday “adeer shirkan muxuu ahaa”, sidoo kale wasiirka ayaa markii dambe ka gaabsaday inuu wax ka yidhaahdo shirkaas, isagoo cudur daar ka dhigtay inaanu haynin wakhti uu shirkaasi kaga jawaabo.

Si kastaba ha ahaatee lama garanyo sababta uu wasiirkan qaabilsan dhalinyaradu uu si badheedh ah u sheego inaanu ka warqabin dhaqdhaqaaq ka yimi xil gudasha la’aanta wasaaradiisa, arrintaasina waxay ceeb iyo fadeexad ku noqon kartaa wasaaradda ciyaaraha iyo waliba wasiirka ay shaqadani khusayso.

Illaa hadda ma cadda ujeedada shirkan ay dhalinyarada Somaliland qabsanayaan ujeedadiisnu maaha mid si cad loo qeexay, sidoo kale lama garanayo cidda dabada ka riixaysa, inkastoo wararku sheegayaan in xisbiyada mucaaridka ahi ay lug ku leeyihiin shirkan haddana taasi looma hayo wax caddayn ah waxaase la ogaa in dhalinyaradani ay shirkooda ku marti qaadeen Odaayasha la baxay Madasha Wadatashiga iyo toosinta Qaranka.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday