Qaadkii La Waayay Oo Dad Toosiyay. W/Q: Guuleed Axmed Xaashi

Markaan indhaha kala qaaday ayaan Faysbuuga ku arkay war sheegaya in Oramadii ay Soomaalidii Hawaday laysay intii aanan ka nixin dadka la laayay waxa aan ka naxay Qaad la’aan ay magaalada Hargaysi waajihi doonto, aniga oo yara naxsan ayaan iska qureecday oo aan xagaa suuqa u dhaadhacay, waxaan Tilifoon u diray dhawr nin oo aanu saaxiibnahay aniga oo waydiinaya in wali qaad la helay iyo inkale?, mid kasta waxa uu ii jawaabay” wali qaad mahayo”. Markay gaadhay 2 duhurnimo waxaan bilaabay in aan Tilifoono u diro kuwii kolayada Qaadka haystay midkasta oo aan garaacay waxa uu ii xaqiijiyay in aanu maanta Qaad magaalada soo galin doonin, haddana maan samrine waxaan

dib u garaacaa asaxaabtaanu isku Marshafka ahayn, hebeloow wax qaad ah maku soo gaadhay?, waar ma waxa aad na leedahay magaaladaa dhan Qaad masoo galin? Iyo su’aalo badan oo aan ku hubinayay in aan helo meel Qaad lagu hayo .
Markii Saacadu gaadhay afartii galabnimo ayaan xaqiiqsaday in Qaad la’aan ay tahay maanta, kadib Maqaaxi Shaaha laga cabo ayaan iska fadhiistay oo aan ka dalbaday Koob Shaah ah, isla markiiba waan dhammeeyay haddana midkale ayaan dalbaday isna waan dhammeeyay, muddo dheer waa markii iigu horaysay ee aan fadhiisto Maqaaxiyaha Shaaha iibiya ee ku yaala magaalada badhtankeeda, dadkan iska fadhiya ee iska qosliya waan la yaabanahay, waxaan niyadda iska leeyahay ma iyaga oo bilaa Qaad ah ayay sidan iskaga sheekaynayaan, kolba sidaan meel u fadhiisanayay ayay gaadhay Saaladii Maqrib, masaajidka Cali Mataan oo ii dhawaa ayaan safka hore iska galay, muddo dheer waa markii iigu horaysay ee aan masaajid Jamac ku tukaday ileen meesha aan ku qayilayo ayaan kartoon yar dhigan jiree .

Markaan ka baxay salaadii ee aan iska sunaystay waxaan u dhaqaaqay xagaa iyo Baskii xaafadayda u baxayay si aan iskaga hoydo , Baska ayaanu isku aragnay nin aanu jaarnahay oo aanaan muddo is arag waaaka igu bilaabay “ waar Gurey maad maqnayd maalmahan kumaan arage “ aniga oo yara khajilsan ayaan ku idhi “ waar haayoo Berbera ayaan ku maqnaaye reerkii ka waran”, ninkii ayaanu sifiican u sheekaysanay markaanu Baska ka dagnayna waxa aanu iska fadhiisanay meel xaafadaha ku dhaw si aanu sheekada u dhammaysano, markii salaadii Cishaayi la eedaamay ayaanu masaajidkii xaafadda galnay, markaan kasoo baxay ayaan gurigaydii albaabka garaacay, ciyaalkaygii oo is eryanaya ayaa albaabka iga furay “ Alla waa Aabo” ayay ku qayliyeen, mise waa caruurtii oo gurigii ka buuqaysa, waan u qaadan waayay caruurtan is wada eryanaysa ee soo wada jeeda, dhawr iyo toban sano waa markii iigu horaysay ee aan gurigayga imaado xiligan oo kale, waxaan soo hoyan jiray wakhti ka dambeeya 11 habeenimo inta badan waxa aan iman jiray islaantayda iyo labada caruurta ugu waaweyn oo soo jeeda, laba saacadood ayaan caruurtii dhax fadhiyay sifiicana baan mid mid ugu waraystay , Ixsaan oo caruurtayda mid ka yaryahay ayaa igu tidhi “ aabo ma shaqadii ayaad caawa hore u soo dhammaysay” intaan su’aasheeda ka naxay ayaan ku idhi “ haa Aabo”, waxaan dareemay in Xaaskaygu ay caruurta ku odhan jirtay shaqadii ayuu ku maqanyahay marka ay waydiiyaan aabo mee, xageen shaqo kaga maqanahay maanan caleenta cagaaran ku gaadhin habeen badhka ugana saaqidin caruurtaydii iyo xaaskayga samirka badan. Cashadii la ee keenay ayaan dhammeeyay intii aanan seexana waan gaajooday, markaas ayaan buskudkii caruurta iyo shaah baadh-baadhay, markii aan dhinaca dhulka dhigay ayaan galay hurdo macaan oo bilaa mirqaan ah, saaka markii aan soo toosay waxa aan xaqiiqsaday in nin habeen qayilayaa aanu ogayn aakhiro iyo aduun midna, waxaanan hadda go’aan ku gaadhay in aanan Qaad dambe dib u cunin.

Sheekadan nin ayaa Bas kaga sheekayanayay.

Guuleed Axmed Xaashi

Gaaxnuug2013@gmail.com