Qaadka Ka Yimaadda Gobolka Oromada ee La Keeno Dhulka Soomaalida Oo Lagu Soo Daray Sunta La Dagaalanta Taranka Iyo Maamulka Jig-jiga Oo Ka Hadlay

“Inta L Ogyahay Waxaa Sumoobay 23 Qof Oo Ku Sumoobay Qaadka Loo Yaqaan Awade” Wasiir Ka Tirsan Maamulka Jig-jiga
Jig-jiga(Somalilandtoday)-Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore ayaa Xaqiijiyey in la sumeeyey Qaadka Haawadeega kaasi oo ka yimaada Deegaanka Oromada.


Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore waxaa Uu Bulshada isticmaasha Cunista Qaadka Uga Digay inay Cunaan Qaadkaasi Sumaysan,waxaanu sheegay inay Cispitaalka u yaalan in ka badan 23 Qof oo ku sumoobay Qaadka loo yaqaan Awadee.isla markaasina ay Bahda Caafimaadku Xaqiijiyeen in laga Helay Sunta lagula Dagaalamo taranka, wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:
“Waxaa lay xaqiijiyey in la sumeeyay jaadka loo yaqaano AWADE oo ilaa Imika Ay Dhakhtarada u yaalaan dad badan inta la ogyahay dadka sumoobay waa 23 ruux oo ilaa shalay uun xanuunsaday kadib markay qayileen oo ay ku sumoobeen jaadka AWADEGA Oo dhakhaatiirtii baadhay xaqiijiyeen inay tahay sunta lagula dagaalamo Taranka.
Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha Ismaamulka soomaalida ee Itoobiya Axmed Maxamed Koore Waxaa Uu intaasi ku daray “Waxaa jira sidoo kalena dadka ay qaar suntu googooysay beerka oo dhiig hunqaacay, Hadaba waxaa lagu wargalinayaa dhamaan bulshada isticmaasha qaadka inay iska ilaaliyaan cunista Iyo Jaadka AWADEGA cidkasta oo caafimaadkeeda ilaalinaysa”.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday