Cadaalad Darrada Hargaysa Taala: Qaabka Mashruuca SDF Loogu Qaybiyey Gobollada Somaliland iyo Degmada Gabiley Oo Ka Miisaaniyad Badan Awdal, Sanaag iyo Sool

Hargeysa (Somalilandtoday)-Mashruuca Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) oo ay qaarka mid ah dawladaha reer Yurub ugu deeqaan Somaliland, si loogu horumariyo adeegyada waxbarashada , waddooyinka iyo caafimaadka.

Adeegan oo lagu bixiyo lacag dhan 64 milyan dollar ayaa loo qaybiyey gobollada Somaliland, waxaana soo baxday sida ay gobolladu u kala badsadeen adeegyada mashruucaasi lagu fuliyo, waxaana xusid mudan in gobollada galbeedku ay aad uga miisaaniyad sarreeyaan dhigooda bari.


Hadaba halkan hoose ayaanu idiinku soo gudbinaynaa sida loogu kala qorsheeyey gobollada dalka mashruuca SDF iyadoo boqolley ah:
Table 1. Amount of development allocated per region in percent
S/N Region Percentage each region absorbs out of 64 million US dollars
1. Hargeisa 46 %
2. Togdheer 16 %
3. Saaxil 14 %
4. Gabiley 9 %
5. Awdel 5 %
6. Sanaag 5 %
7 Sool 5 %
Sidoo kale waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa miisaaniyadda uu gobol kastaa u helay mashruuca SDF iyadoo lacag ah:
S/N Region Amount in dollars spent per region out of 64 million dollars
1. Hargeisa 29 million dollars
2. Togdheer 10 million dollars
3. Saaxil 8.96 million dollars
4. Gabiley 4.14 million dollars
5. Awdel 3.2 million dollars
6. Sanaag 3.2 million dollars
7 Sool 3.2 million dollars
Gobolka Gabiley oo aan ku jirin lixda gobo lee Somaliland ugu waaweyn ayaa ay muuqataa inuu ka miisaaniyad badan yahay gobollada Awdal, Sanaag iyo Sool, waxaana shaxdan kor ku xusan si fiican looga dheehan karaa dheelitiraan la’aan dhinaca qaybinta ah.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office