Qaabka Aynu U Seexano Iyo Saameynta Caafimaadkeena Q.2aad

Sida qoraal lagu baahiyey sanadkii 2007 in The Internet Journal of Allied Health Sciences and Practice,cilmi baadhistaa waxaa lagu ogaadey in ay dadka intooda badani jecel yihiin iney u seexdaan dhinaca(the side-sleeping position) iyo in aanay badneyn in ay ka cawdaan dhibaatooyinka dabarka,luqunta waxayna helaan hurdo habeen wanaagsan,sida dadka kale ee u seexda qaabka kale ee ka duwan ay ka cawdaan qorxanuunka,garbo xanuunka iwm.Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in
Aynu u seexano dhinacyada ama dhabarka si aynu u helno hurdo caafimaad leh,waxaa jira

in Nebi Maxamed nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa Allah ha yeelee ,uu inoo sheegay in aynu u seexano dhinaca midig, arintanina waa cadeyn kale oo muujinaysa faa’iidada hurdada ee dhinaca midig inay tahay mid aad muhiim u ah,oo xataa sunaha nebigeenii maxamed naxariisi korkiisa ha ahaatee ay ka mid tahay.
Waxaa in badan culimada saynisku isweydiiyaan Waa maxay sababta aynu u seexanaa?
Su’aashaa jawaabteedu waa mid wax badan la isweydiinayey oo baadhis badan lagu sameeyey balse lama oga sabaabta aynu u seexano,marka laga eego dhinaca cilmi baadhista sayniska ee ilaa hada la sameeyey. Taa badalkeeda waxaa la og yahay oo jirta in hurdadu muhiim u tahay caafimaadkeena iyada oo maskaxdeenu hesha isa safeyn ama iska saarid daalkii wakhtigii soojeedka,oo waxay isku sameysaa is nadiifin,si si firfircoon u hawl gasho wakhtiga soo jeedka markey soo toosto maskaxdu ma aha mid wada seexata balse qaybo ka mida ayaa gala halka qaybaha kalena shaqada sii wadaan.Inta badan waxaa jira ugu yaraan Saddex aragtiyood oo la la xidhiidhiyo hurdada ku was oo kala ah:

1- Restorative Theory of Sleep
2- Adaptive Theory of Sleep
3- Energy Conservation Theory
Guud ahaan aragtiyahasi iyo kuwo kale ba waxaa ay muujinayaan in hurdadu muhiim u tahay noolaha gaar ahaan dadka iyo xayawaanka.
Sidaa awgeed waa muhiim in aynu ilaalino fayaqabka jidhkeena iyo maskaxdeenaba oo aynu iska ilaalino soo jeedka badan ee habeenkii dadka caadeystey in ay qaadka cunaan waxaa ku yaraata hurdada sababtaasi ayaa ugu wacan in lay ka caafimaad liitaan dadka kale ee iyagu hela hurdo ku filan.
Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed
M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism
©Hogaanka.wordperss.com