Nuxurka War-bixin Uu Wargeyska Somalilandtoday Ku Eegayo Musuqmaasuq Hadheeyay Hay’adda WFP

Hargaysa (Somalilandtoday)- Hay’adda Barnaamijka cuntada adduunka ee qaramada (WFP)  waxay ka mid tahay hay’adaha qaramada midoobay ee ka shaqeeya  Somaliland.

logo_wfp

Barnaamijka ugu wayn  ee hay’adani waddanka u joogto ayaa waxa uu yahay inay dadka tabaalaysan ku caawiso cunto, laakiin sidee ayay hay’adda WFP u caawisaa dadka reer Somaliland, se ma caawisaa wakhtiga ku haboon?

Si aynu su’aalahaas iyo qaar kaleba uga jawaabno waa inaynu u fiirsanaa sida ay Hay’addani u qaybiso mucaawinooyinka ay qaybiyaan. Waxaynu ognahay in qaramada midoobay ay ugu talo gashay lacag aan xad lahayn si loo caawiyo dadka tabaalaysan ee ku kala nool daafaha dunida waxaanan shaki ku jirin inay hay’adda loogu talo galay  bajad gaar ah oo ay kaga hawlgalaan Somaliland, haddaba imisa jeer ayay sannadkii hay’addani mucaawino ka gaystaa guud ahaan Somaliland, intee ayuu yahay qarashka ku baxa mucaawinooyinka yaryar ee ay qaybiyaan marka loo eego bajadka loogu talo galay Somaliland?

Dhinaca Kale, haddii aynu eegno  habka maamul xumo iyo musuq maasuq ee ay hay’addani ku kacday intii ay joogtay Somaliland, sanadkii 2011kii waxaa si weyn isku soo taray edeymaha loo jeediyay barnaamijka cunnada adduunka xilli ay taagneyd saameynta ay reebeen abaaro baahsan oo ku dhuftay Qaybo badan oo ka mid ah gobolka Geeska Afrika.

Barnaamijka cunnada adduunka waxaa si weyn loogu eedeeyay cunno iyo sidoo kale caawimo kale oo loogu talagalay dadka abuuraha ku tabaaloobay oo la lunsaday, laakiin jawaabta barnaamijkani uu ka bixiyay eedeymaha loo soo jeediyay ayaa ahayd mid aan wax weyn ka bedelin dhaliilihii loo soo jeediyay WFP.

Sidoo kale, kooxda la socodka dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa xilli sii horeysay soo saartay eedeymo ay u jeedineyso barnaamijka cunnada adduunka ee Somaliland iyo Somalia kuwaas oo ku aadanaa in barnaamijku uu ku lug yeeshay arrimo wax u dhimaya nabadgelyada, iyada oo qaar ka mid ah ganacsatada uu barnaamijkani qandaraasyada siiyo lagu eedeeyay in ay ka shaqeeyaan kala dillaalida hubka iyo arimo kale.

Agaasimaha xafiiska Geneva ee WFP Lauren Landis ayaa qirtay in cunada la lunsaday ay saameyn balaadhan ku yeelatay sumcada barnaamijka iyo sidoo kale dadkii tabaaleysnaa ee iyaga loo qorsheeyay in ay helaan gargaarkan.

MS Landis waxa ay sheegtay in barnaamijku uu wado baadhitaan ballaadhan oo ku aadan sidii dabagal loogu sameyn lahaa dadka lunsaday cunnada iyada oo sheegtay in ay dhamaan shaqada ka eryi doonaan dadka ay ku cadaadaan eedeymahan.

Banaamijka cunnada adduunka ayaa wixii xiligaa ka danbeeyay aan jawaabtii ku habooneyd ka bixin dhacdooyinkan isdaba jooga ah ee lagu lunsaday cunnadan loogu talagalay dadka gargaarka u baahan, waxaana uu barnaamijku ku dooday in markasta ay jiraan dad barnaamijka kala shaqeeya arimaha qaybinta gargaarka, taas oo adkeyneysa in uu yaraado musuq maasuqa.

Dhinaca kale barnaamijka cunnada xafiiskiisa Somaliland ayaa waxaa aad u yar waxqabadkiisa Somaliland,iyada oo dadweynaha Reer-Somaliland ay ku jahawareereen sababaha hay’adani ay u joogto Somaliland oo iyadu qayb ahaan gaadhay isku filaansho ay dadkeedu u horseedeen.

Waxaa jira tiro farabadan oo dad ka soo barakacay dalalka jaarka ah sida Somalia iyo Ethiopia, kuwaas oo si weyn ugu baahan gargaar cunno iyo daryeel kaleba ,laakiin hay’adda WFP ayaa iyadu si weyn ugu gaabisay sidii ay dadkan u gaadhsiin lahayd gargaarka ay u baahan yihiin.

Barnaamijka Cunnada Aduunka ee dalalka Somaliland iyo Somalia waxa uu sanad kasta dalalka deeqaha bixiya ka codsadaa lacag u dhexeysa $7 boqol oo Milyan oo doolarka Maraykanka ilaa $1Bilyan si wax looga qabto duruufaha nololeed ee dadka gargaarka u baahan, laakiin waxaa aad u yar garkaarka gaadha dadka tabaaleysan ee ku nool dalalkan.

 

La Soco qaybo kale

 

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.