Nuxurka Soo Jeedin Guddoomiye Cirro Ka Dhaga-adeygay Oo 44 Mudane U Gudbiyeen Ka Hor Fadhigii Maanta Baaqdey

(SLT-Hargeysa) – Xildhibaannada xisbiga KULMIYE ee ka maqnaa fadhigiii maanta ayaa soo bandhigay soo jeedinta ay Guddoomiye Cirro u gudbiyeen ka hor kalfadhigaasi, taasi oo ku baaqeysay inuu hakiyo fadhigii maanta, si loo saxo qaladka uu ku sameeyay xeerka diwaangelinta.

koowaad

Soo jeedinta Mudanayaasha Golaha Wakiilada ugu jira xisbiga KULMIYE ayaa u dhignayd sidan:-

UJEEDDO:  SHIRKA AAN CAADIGA AHAYN EE GUDDOOMIYUHU KU BAAQAY SABTIDA  25 OKTOOBAR, 2014

§  Annagoo ah xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL ee magacyadoodu hoos ku saxeexanyihiin

§  Annagoo tixraacayna go’aankii Golaha Wakiilada JSL ee fadhigii qabsoomay maalintii ay taariikhdu ahayd 30kaSeptember, 2014 halkaasoo 64 Mudane cod gacan taag ah ku oggolaadeen laguna ansixiyey Xeerkii Xukuumaddu soo gudbisey ee WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007  oo lagu lifaaqay qoraalada kala ah:

o   Qoraalkii heshiiska ahaa ee Madaxweynuhu golaha u soo gudbiyey,

o   Talabixintii Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada, iyo  lifaaq go’aamo ah oo Goluhu isla qaatay

§  Annagoo isla qirnay xadgudub lagu sameeyey go’aankaas kor ku tilmaaman ee WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007 iyadoo markii xeerka loo gudbinayey Golaha Guurtida tirtiris, wax ka beddel iyo wax ku daris aan goluhu isla oggolaan lagu sameeyey.

§  Annagoo isla qirnay xeerka WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007 inuu muhiim u yahay hawlaha dimoqraadiyadda iyo muwaadinimada.

§  Annagoo tixgelineyna ku dhaqanka Dastuurka JSL iyo Xeer hoosaadka Golaha oo labaduba tilmaamaya in Golaha Wakiiladu u gudbin karo Golayaasha Guurtida iyo Xukuumadda wixii goluhu go’aansaday.

Haddaba, asbaabaha aan soo sheegnay dartood waxaanu soo jeedineynaa in la hakiyo shirka aan caadiga ahayn ee Guddoomiyuhu ku baaqay 25ka Oktoobar, 2014 ( fadhigii shalay)  ilaa inta laga saxayo WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007…” 

qodob11

 

 

q

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

qodob3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

qodob7