Nuxurka Kulan Ballaadhan Oo Dhex Maray Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Iyo Wasiir Ka Socday Dawladda Ingiriiska. +Sawiro

(SLT-Hargaysa)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah Wasiirada, ayaa kulan la yeeshay Wefti culus oo ka socda Dawladda Ingiriiska, kaasi oo ay hogaaminayso Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska Lynne Featherstone.

 1960118_654117688035421_4196563225629861156_n10320291_654117684702088_2950709073045430063_n10347169_654117691368754_8300874671106260901_n

Kulanka Weftigan oo maanta dalka soo gaadhay waxaa Madaxweyne xigeenka ku wehelinayay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,Wasiirka Degaanka Shukri Xaaji Baandare,Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Awdaahir iyo Wasiir xigeenka Arimaha dibada Mawliid Maxamed, halka Dawladda Ingiriiska ay ka socdeen  Lynne Featherstone, oo ah Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska, Neil Wigan, oo ah Ambassador-ka  Somalia iyo Somaliland ee Ingiriiska, Rachel Turner, oo ah Madaxa badhtamaha Africa iyo Bariga u qaabilsan Ingiriiska, Phil Evans, oo ah Madaxa Waaxda horumarinta Caalamiga ah(Department for International  Development,DFID) ee Ingiriiska, Pauline Seenan, oo isna ka socday  DFID Somaliland iyo  Vicky Seymore.

Weftigan Ingiriiska ah ayaa u socda indho indhayn ku saabsan  wejiga hore ee Mashruuc dhanka horumarinta ah oo Ingiriisku ka Wado Somaliland, sida lagu sheegay Warqoraal ah oo Luuqada Ingiriisada ku qoran oo Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay.

Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa soo dhaweeyay Weftigan heerka sare ah ee Ingiriiska, isagoo u sharaxay sida ay uga go’an tahay Xukumadda in doorashooyinka Wakhtigoodii lagu qabto.

Ms Featherstone, ayaa dhankeeda sharaxday Ahmiyadda Doorashooyinka oo wakhtigooda lagu qabtaa leeyihiin iyo taageerada ay u hayaan geedi socodka hanaanka Doorashada. Waxay sidoo kale sharaxday muhiimada dib u habaynta hanaanka Maamuka maaliyadeed ee dadweynaha.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Caalamiga(DFID) ah ee Ingiriiska u qaabilsan Bariga iyo badhtamaha Africa Rachel Turner, ayaa amaanay Mashruuca maalgalinta ah ee Sanduuqa horumarinta Somaliland “Sanduuqa Horumarinta Somaliland(Somaliland Development Fund) waa Maalgalin Cusub oo Heer sare ah, qof walba wuxuu ka arkayaa guulihiisa” ayuu yidhi Mr Rachel Turner

Weftiga Ingiriiska ayaa sidoo kale Xukumadda kala hadlay qorshahooda dhanka ka qayb qaadashada Siyaasadda ee Dumarka, taasi oo ay u bandhigeen in meel fiican ay hadda marayso korna loo qaaday ka qayb galka siyaasadda.

Somalilandtoday / Hargaysa / Office

Contact@Somalilandtoday.com