Noloshii Sirta Ahayd Ee Radovan Karadzic Oo Maxkamada Danbiyada Ee Dunidu Ay U Haysato Danbiyo Dagaal.. Qaybti-5aad.

(SLT-Haigue)-Dad badan oo ka mid ah taageerayaashii Radovan Karadzic waxa ay aaminsanyihiin in xasuuqii ka dhacay shri penitiska uu mar-marsiiyo u noqday NATO si ay fuliso duqaymo dhinaca cirka ah kuwaas oo ay aaminsanyihiin in NATO ay ku dooneyso in ay hoos ugu dhigto awoodii ciidanka Serbia , iyada oo sida ay aaminsanyihiin ay NATO ka cabsi qabtay soo noolaanshaha awoodii hore laisugu odhan jiray Yugoslavia ee ka tirsaneyd midowgii Sovieti.

unnamed

Waxaa bilowday hawlgal duqaymo dhinaca cirka ah oo ay geysaneysay NATO kaas oo la magac baxay ‘Operation Deliberate Force’ , hawlgalkani waxa uu socday mudo 21 maalmood ah waxaana diyaaradaha NATO ay duqaymo u geysteen goobo ay fadhiyeen ciidankii Serbia oo ku yaala gudaha Bosnia taas oo markii danbe sababtay in ay kala yaacaan ciidamadii Seerbiyiinta oo dib ugu gurtay gudaha dalkooda , waxaana hogaamiyayaashii Seerbiya ay ogolaadeen in ay furaan wadahadalo ay kal hore diideen si dagaalka loo soo gabagabeeyo.

Ka hor inta aaney bilaabmin duqayama NATO , waxaa aad u sii kordhay xasuuqa sida badheedhka ah loogu geysanayo dadka Reer-Bosnia gaar ahaan Raga iyo wiilasha da’doodu yartahay kaas oo u muuqday in ujeedkiisu ahaa in lugu baabi’iyo qoomiyada Reer Bosnia.

Ciidankii Qaramada midoobay ee halkaasi nabad ilaalinta u joogay ayaa lugu eedeeyay in ay ku guul dareysteen in ay ilaaliyaan dadka gabaadka u soo doonta xitaa goobaha ay joogeen, ka dib markii la baahiyay muuqaal muujinaya Ciidankii uu hogaaminayay Ratco Mladic oo raga iyo wiilasha ka soocaya dadka intooda kale goob dadku ay gabaad u soo doonteen oo saldhig u ahayd ciidamada qaramada midoobay.

Mladic oo ahaa taliyaha ugu sareeyay ciidankii daacada u ahaa Radovan Karadzic oo isagu weli dhuumasho ku maqan ayaa balan qaaday in raga ay kaxaysanayeen aan wax dhibaato ah loo geysan doonin, laakiin saacado uun ka dib si dhakhso ah waxaa loo toogtay dhamaan dadkii ay ciidankiisu ka soo kaxaysteen halkii ay amaanka miciin bideen oo ahayd saldhig ay fadhiyeen ciidamada qaramada midoobay oo gacanta ka geliyay ragan ciidankii Mladic.

Radoavan Karadzic ayaa aaminsanaa wakhtigaasi in uu lahaa awood balaadhan, isaga oo ka digay in duqaymaha qaramada midoobay ay reebi doonaan cawaaqib aan laga soo kaban doonin.

“ Maxay u raacayaan dhinac keliya dagaalkan sokeeye ee socda? Waxaan u maleynayaa in ay fureen albaab ay khatar ku gelin karaan nabadgelyada dunida guud ahaan , tani waxaa laga yaabaa in ay sabab u noqoto bilowga dagaal 3aad oo qarxa” sidaa Waxaa yidhi Radovan Karadzic oo xiligaasi hadlayay.

21kii bishii November ee sanadkii 1995kii , dhex dhexaadiye Maraykan ah oo la odhan jiray Richar Halbrooke ayaa ku dhawaaqay in ka dib wadahadalo uu galay hogaamiyaha Seerbiya uu Radovan Karadzic uu ogolaaday in uu ka tanaasulo awooda madaxweyne-nimo ee maamulkii ‘ The Republic Of Srpska’ iyo dhamaan awoodaha la xidhiida, sidoo kale heshiiskan waxaa ku jirtay in hogaamiyayaashii Seerbiya ay ogolaadaan in Bosnia loo qaybiyo sida ay u kala degaan qoomiyadaha kala duwan.

 Waxaa bilowday wadahadalo ka dhacayay gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, SlobodanMilošević oo matalaya dhinaca Seerbiya waxa uu ogolaaday in colaada la soo gabo gabeeyo iyo in Bosnia loo qaybiyo nidaam ku aadan sida ay qoomiyadaha kala duwani ay u degaan.

Radovan Karadzic ayaa isagu aan ka mid ahayn dadkii wax ka saxiixay heshiiskan, iyada oo eedeymo loo haystay oo ku aadan in uu xasuuq geystay oo xiligaasi taagnaa ay suuragelin waayeen in uu ka qayb galo wadahadalada.

Radovan Karadzic waxaa lugu soo oogay dacwado farabadan oo ku aadan qaybtii uu ku lahaa xasuuqii Bosnia iyo danbiyo ka dhan ah biniaadannimada oo uu ku lug yeeshay,  Karadzic waxa uu sheegay in dhex dhexaadiyaha Maraykanku uu u balan qaaday in dhamaan danbiyada loo haysto la laali doono sidaa darteedna uu isagu go’aansaday in uu ka tanaasulo awoodihiisa, laakiin eedeymahan waxaa si isxig xigta u beeneeyey dhex dhexaadiyihii heshiiskan lugu soo afjaray colaada Bosnia Richard Halbrooke ; wax kasta oo ay runtu tahay tani waxay soo gabo gabeysay taariikhda siyaasadeed ee Radovan Karadzic oo wixii xiligan ka danbeeyay bilaabay in uu dhuunto.

10kii sano ee xigay Radovan Karadzic waxa uu bilaabay in uu cadaalada si kasta oo uu uga baxsan karo uu isku dayo, 10 kii sano ee xigay waxa uu noqday gebi ahaanba qof kale isaga oo bedelay muuqaalkiisii, habdhaqankiisii iyo weliba dabeecadihii lugu yaqaanay si uu kaga badbaado in uu u gacan galo maxkamadaha caalamiga ah ee doonayay in ay sharciga horkeenaan.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday