Noloshii Sirta Ahayd Ee Radovan Karadzic Oo Maxkamada Danbiyada Ee Dunidu Ay U Haysato Danbiyo Dagaal.

(SLT-Haigue)-Belgrade , waa caasimada dalka Serbia waa magaalo aad u quruxbadan oo ay si weyn uga muuqdaan xadaaradaha kala duwan ee qarniyadii ugu danbeeyay dunida soo maray, sida xadaarada Yurubiyanka iyo ta shuuciyiinta labadaba.

Magaaladan waxaa ku nool in ka badan 1 Milyan iyo badh qof, iyada oo inta badan dadka ku nool magaaladan uu asalkoodu yahay Seerbiyiin , laakiin magaaladani waxa ay tahay magaalo ay ku noolyihiin inta badan dadka leh dhaqamada kala duwan ee ku dhaqan bariga qaarada Yurub.

unnamed

Radovan Karadzic ayaa isagu si weyn u yaqaanay dhaqanka iyo luqada dadka magaaladan isaga oo ka faaiideysanaya dadka leh dhaqamada kala duwan ee aan isgaraneynin ee ku noolaa magaaladan waxa uu u arkay in ay tahay meesha keliya ee dhuumasho uugu dhow, sidoo kale waxa uu si weyn ula haystay dadka iyo habdhaqankooda, waxaana uu degay deegaan yar oo ku yaala daafaha magaalada Belgrade.

Karadzic waxa uu degay qayb ka mid ah dhisme yar oo ka tirsan magaalada Belgrade ee caasimada dalka Serbia, halkaas oo uu sanado badan ku dhuumanayay isaga oo bedelay magiciisa waxaana si weyn ula yaab badnayd in Karadzic ay jaar ahaayeen gabadh u shaqeysa booliska caalamiga ah ee Interpol oo iyadu subaxkasta soo booqan jirtay ninkan.

Bruno Vekanic oo ah dacwad ooge khaas ah ayaa sheegay: “ Waxa uu degenaa qayb ka mid ah dhisme fooq ah, waxaa ay meel wada degenaayeen gabadh u shaqeysa Interpol oo subaxkasta marka ay shido kombiyuutarkeeda arki jirtay sawirada 3da qof ee dunida sida weyn xiligaasi loo raadinayay oo ay ka mid ahaayeen Cusaama Binlaaden ,Radovan Karadzic iyo Ratco Mladic ; hadana subax kasta marka ay furto albaabkeeda waxa jaarkeeda oo ah doctor Dragan Dabic ku odhan jirtay ‘subax wanaagsan’”.

Radovan Karadzic waxa uu bilaabay in uu bedelo magiciisa waxaana uu la baxay Dr Dragan Dabic, waxaa kale oo uu bedelay muuqaalkiisa isaga oo la baxay timo aad u farabadan waxaana gebi ahaanba uu noqday qof kale.

Dr Dragan Dabic waxaa sidoo kale uu bedelay sida uu u socon jiray iyo sidii uu u hadli jiray markii uu ahaa Radovan Karadzic , taasina waxa ay adkeysay in la aqoonsado gebi ahaanba.

“ Aad ayuu isu bedelay, markii hore ee uu ahaa Radovan Karadzic waxa uu ku hadli jiray lahjada Bosnia lagaga hadlo , halkan markii uu yimi waxa uu bilaabay in uu ku hadlo lahjada lagaga hadlo Belgrade sidaa darteed wey adkeyd in ay cidi garato in uu yahay Boosniyaan, sidoo kale sida uu socon jiray ayaa ahayd si ka duwan sidii lugu yaqaanay Radovan Karadzic.

Haduu horteyda soo fadhiisto xataa ma garteen, wey adkeyd in ay cidi aqoonsato” sidaa waxaa yidhi Bruno Vekanic oo ah dacwad ooge ku nool magaalada Belgrade.

“Waxay ahayd wax layaab badan, isagana magac weyn ugu sameeysay dadka dhexdiisa, dhamaan dadka jila filimada Hollywoodka ee aan runta ahayn wey qaadan lahaayeen sheekadiisa, kelidii buu noolaa, lacag ayuu shaqaynsanayay noloshiisa si uu u debaro hadana waxa uu suurageliyay inaaney cidi garan” sidaa waxaa sheegtay Sonja Karadzic oo ahayd gabadh uu dhalay Radovan Karadzic.

Radovan Karadzic waxa uu noqday muwaadin si weyn looga tixgeliyo magaalada Belgrade ee dalka Serbia iyada oo dadku ay aad u jeclaayeen, dadka magaalada Belgrade ku noolaa waxa ay sheegeen in uu ahaa nin wanaagsan oo ay aad u jeclaayeen laakiin mey ogeyn in ninkan la baxay magaca Dr Dragan Dabic uu yahay Radovan Karadzic.

Waxay sheegeen in dadka uu ula dhaqmi jiray si wanaagsan oo aanuu u eegi jirin qoomiyad dhamaan muslimiinta, Seerbiyiinta iyo Korowatiskuba wey jeclaayeen ninkan iyaga oo aan laakiin u lahayn wax aqoon dheeraad ah shakhsiyadiisa.

Laakiin waxaa jira tuhun ah in Dragan Dabic uu helayay taageero iyo caawimaad ay siinayeen qaar ka mid ah asxaabtiisii hore oo weli saameyn ku lahaa gudaha Seerbiya, waxaana uu haystay Baasaboor sharci ah oo ay siisay dawlada Seerbiya.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday

La soco.