Noloshaada Ma Maqashay Dad La Ciyaara xayawaanka Yeyda?………….

(SLT-Jimsar,China) – Nin ka mid ah qoomiyada Uighur see dalka Shiinaha ayaa waxa uu la ciyaarayaa qaar ka mid ah xayawaanka yeyda oo dadka inta badani ay garanayaan halista xayawaankani leeyahay, yeydu waxay ka mid tahay xayawaanada aan raboobin.

Halka ninkani uu ku noolyahay ee Jimsar waxaa ka dhaca rabshado dad badan lagu dilo sanadkasta , kuwaas oo ay dawladu ku eedeyso in ay ka danbeeyaan kooxo hubeysan oo gooni u goosad doon ah.

Yanglang waxa uu sheegay in uu aad u jecelyahay dhaqashada xayawaanka yeyda : “markii hore aad ayaan u xiiseyn jiray in aan dhaqdo yeyda , laakiin hada markasta oo ay sii badato tirada yeyda ee aan haysto waxaan sii jecleystaa in aan tirada ka sii kordhiyo inta ay tahay”.

Part-HKG-Hkg10106679-1-1-0 (1)

Ninkan waalidka dhalay oo ka soo jeeda deegaanka fakhrigu saameeyay ee Henan oo 1,600 oo km bariga kaga beegan, ayaa waxay u soo haajireen Xinjiang sanadii 1950kii, iyaga oo ka mid ah malaayiinka dad ah ee ka soo jeeda qoomiya Han ayey degeen deegaanada ay degenyihiin dadka laga tirada badanyahay ee xuduudaha ku yaala.

Ujghurs-ku waa dad muslimiin ah oo iyagu dhaqan ahaan ku xidhan dalalka badhtamaha Asia ee muslimiintu ay ku noolyihiin.

Yang waxa uu sheegay in dadka Chineseka ah loo yaqaano in ay ka soo jeedaan xayawaanka dragon , laakiin Ujghursku ay iyagu yihiin caruurta yeyda, waxaana uu sidaa darteed sheegay in hadii ay yihiin caruurta yeyda aaney iyagu ahayn Chinese; taasina waa sababta keentay in uu wanaagsanaado xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo yeyda.

Yang waxa uu leeyahay 100 yey, waxaana uu qorsheynayaa in ay aad u sii badato tirada xayawaanka yeyda ah ee uu dhaqdo.

Waxa uu sheegay in uu qorsheynayo in uu tirada yeyda uu haysto uu gaadhsiiyo 1,000 oo marka danbe uu ku sii daayo keynta si deegaankan uu u soo jiito dadka dalxiisaya ee yimaada dalka China.

Somalilandtoday\Hargeisa Office

Contact@Somalilandtoday.com