“Ninka Puntland U Hadlay Sharciga Badaha Waxba Kamuu Garanayn Malaa Waa Qoladii Adhi Raacatada Ahayd”. Axmed Xaji Cali Cadami Wasiirka Gashaandhiga Somaliland + Daawo

(SLT-Hargaysa)Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami,ayaa Hadalkii Puntland ka soo yeedhay ku tilmaamay mid sii xumaynaya Xidhiidhka aan cago badan ku taagnayn ee Somaliland iyo Maamulka Puntland u dhexeeya.

image

Maamulka Puntland ayaa shalay sheegay in Somaliland la wareegtay Hubka Berbera lagu qabtay islamarkaana ay ka baqayso in Al-shabaab gacanta loo galiyo hubkaasi.
Mudane Caddami oo Hargeysa Saxaafadda kula hadlay ayaa mid aan haboonayn hadalkaasi ku tilmaamay “Waxaan leeyahay Hadalkaasi waa hadal dabayshu soo qaaday oo Il-duuf ah,oo aan meeshiisii ahayn,kaas oo ku gabood falaya Xidhiidhka Caadiga ah oo aan mid qoto dheerba ahayn oo ka dhexeeya dadka deriska ah.waa mid ay Caadaysatay Puntland” ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanu garanayn in Maamul cusubi qabsaday Puntland iyo in Xukumadda Gaas isa soo shaac saarayso “Waxaa jira Arrimaha qaar Diblamaasiyadda ka mamnuuc ah, waxaa ka mamnuuc ah sida Markabkaas la sheegayo, Somaliland Markab Hub sida ayay qabsatay waa faan.Jiritaankeeda iyo inay Badda ilaalinayso ayay Caddaynaysaa,dadku maaha dad Caamo ah oo la caamayn karo ee Caalamka oo dhan baa nagu bogaadinaya, Qoraal baa lagu soo bogaadiyay Somaliland” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Caddami, waxa uu Eedeeyay Wasiirka Amniga ee Puntland u hadlay “Malaha Ninka Puntland u hadlay ma yaqaan Shuruucda Baddaha,waxaan filayaa inuu yahay Qolyaha Xoolo raacatada ah, Ciidanka Badda Somaliland iyo Ciidamada kaleba iyo Maamulka Dekedduba wuxuu ku amaanan yahay Markab tuugo ah oo Badeecaddiina la saraysiiyay Hoostana Hubka la dhigay inay Ogaadeen”.

Wasiir Caddami waxa uu sheegay inaanu Ninka Puntland hadalka u dhiibatay waxba ka garanayn Shuruucda Badda balse in arrinta Markabkan la marin doono Sharciyadda Baddaha dunida u taala islamarkaana aanay ku dhamaan doonin maalin iyo Bilo toona.
Wasiirku waxa uu sheegay inaan illaa hadda Masuuliyiinta Markabkan wadataa sheegin meesha Hubkan laga keenay Cidda loo waday iyo cidda leh toona.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.