Nin Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay In Uu Jidh-dilay Dad Tahriibayaal Ah Oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

(SLT-Talyaaniga)-Nin Soomaali ah ayaa Maxkamad ku taal dalka Talyaaniga ku xukuntay xabsi daa’in, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu jirdil iyo dil isugu daray dad muhaajiriinta ku sugnaa dalka Libiya.

Ninkan oo lagu magacaabo Osman Mohamud oo 22-jir ah ayaa sanadkii hore lagu qabtay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, kaddib markii la aqoonsaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninkan uu garaaci ku waday illaa ay ka dhintaan, halka qaar kalena ay cunto iyo biyo la’aan u dhimanayeen.

Dadka muhaajiriinta ee ka yimaada dalalka saxaraha ka hooseeya ayaa waqtiga ugu badan ku qaata xeryaha ku yaala Libiya, halkaasoo ay eheladooda kaga sugaan lacagaha la siiyo dadka wax tahriibiya ee u qaada dalalka Yurub.

Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay dadka faraha badna ee tahriibayay galayay dalalka Yurub, waxaana ciidamada badda Talyaaniga ay bad baadiyeen boqolaal muhaajiriin ah oo doonyo kuwa la buufiyo ka raacay xeebaha Liibiya.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office