Nin Orodyahan Ah Oo Ay Isku Dheceen Raisul Wasaaraha Ingiriiska.

(SLT-London)-Nin wadada iska cararaya ayaa ku dhacay Raisul Wasaaraha Ingiriiska xili uu ka soo baxay kulan uu ku qaatay Leeds,ninkan ayaa la sheegay in ay si toos isu jiidheen Raisul Wasaaraha oo ka soo baxay xaruunta Dawlada Hoose ee deegaanka iyada oo goobta laga kexeeyay isaga oo aaney waxba soo gaadhin.

Ninkan oo da’diisu tahay 28 jir ayaa waxaa xidhay booliska ka dib markii uu jiidhay Raisul Wasaaraha isaga oo markii danbe iska sii daayay.

Booliska West Yorkshire ayaa twiterkooda ku soo qoray in aaney jirin dhib weyn oo goobta ka dhacday iyaga oo sheegay in uu dhacay khalad maadaama ninkani uu goobta soo maray xili khaldan.

unnamed

 

Raisul Wasaaraha ayaa ku sugnaa Leeds isaga oo halkaasi u joogay qorshe lagu casriyeynayo khadadka tareenada ee waqooyiga gobolka England.

Mid ka mid ah ilaalada Raisul Wasaaraha ayaa si dhakhso ah u qabtay ninkani ka dib markii uu ku dhacay Raisul Wasaaraha isaga oo kexeeyay ka hor inta aanuu Raisul Wasaaruhu raacin gaadhi goobta ku sugayay.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday