Nin Isku Dhex Qarxiyey Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

(SLT-Muqdisho)-Ugu yaraan labo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen qarax shalay ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyey hal nin oo goobtaasi galay xiligii lagu jiray Salaasada Jimcaha.

Ninkan ayaa doonayey inuu isku dhex qarxiyo Masaajidka ku dhex yaal xarunta Xabsiga Dhexe, halkaasi oo uu ku sugnaa Taliyaha Ciidamada Asluubta iyo saraakiil kale oo Salaada Jimcaha goobtaasi ku tukada.

Dadka ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay inay ahaayeen Askari goobtaasi illaalinayey iyo ninkii naftii haligaha ahaa.

Waxaan weli la aqoon sida ay ugu suurto gashay in ninkaasi uu gudaha u galo xarunta xabsiga oo si weyn loo illaaliyo, warar horudhaca ah ayaa sheegayey in qof iska qarxiyey uu ahaa shaqsi goobtaasi laga yaqaanay.

Saraakiisha dowlada ayaa sheegay inuu baaritaan socdo, welina faah faahin dowlada ma aysan ka bixin qaraxan goor dhaw ka dhacay xarunta xabsiga.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office