Nin Falastiini Ah Oo Gaadhi Jiidhsiiyay Koox Yuhuud Ah.

(SLT-Qudus)-Booliska Israa’iil waxa ay sheegeen in nin reer Falastiin ah uu si ula kac ah gaadhigiisa ugu soo kaxeeyay dhanka koox dad ah oo taagnaa boosteejo ku taala magaalada Qudus, uuna dilay ilmo isla markaasna uu dhaawacay sideed kale.

Booliiska ayaa toogtay ninkaasi markii uu isku dayay in uu baxsado; xoogaa kadibna waxa uu ku dhintay Isbitaalka.

Warbaahinta guduhu waxa ay ku warantay in la xidhay ninka dilkaasi gaystay walaalkii oo aan qaangaadh ahayn.

120618142214_jerusalem_attack_512x288_bbc_nocredit

 

Gabadha yar ee dhimatay iyo hooyadeed waa muwaadiniin Maraykan ah sida uu wakaalada wararka ee AP u sheegay duqa magaalada Qudus Nir Barkat.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com