Nin Ciraaqi Ah Oo Gacantiisa Ku Sameeyay Gaadhi Gaashaaman Si Loogula Dagaalamo Daacish.

(SLT-Baghdad)-Telefishinka RT ee Ruushka laga leeyahay ayaa booqday goob uu ku sugnaa nin u dhashay dalka Ciraaq oo sameeya noocyada kala duwan ee biraha, kaas oo dhawaan soo saaray nooc cusub oo ka mid gawaadhida qafilan ee qaada ciidamada.

Waxa uu maalinkasta shaqeyn jiray 12 saacadood mudo ka badan 2 bilood si uu kaga caawiyo kooxaha kurdiyiinta ah in ay iska difaacaan dagaalyahanada kooxda Daacish.

Gaadhigan oo ah nooca ay adagtahay in rasaasta fudfudi ay ka gudubto ayaa ka kooban lakabyo bira ah oo hadii kuwa hore ay rasaastu ka gudubto aaney suuragal ahayn in ay gudaha u gasho gaadhiga, taayarada ayaa sidoo kale waxaa ku xidhan qalab rasaasta celiya oo hadii ay waxyeeloobaanna lagu hagaajin karo goobaha dagaalka.

unnamed (1)
Waxa kale oo layaab leh in hadii ay rasaasi ku dhacdo taayarada gaadhiga ay iyaga iskood ah isaga hagaagayaan iyaga oo aan u baahneyn in uu qof soo dego oo taayarka uu bedelo.

Gaadhigan ayaa sidoo kale aad u dheereeya isaga oo carari kara 100 kiiloo Mitir saacadiiba, waxaana ay kurdiyiintu u adeegsan karaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish.

Ninka sameeyay gaadhigan ayaa sheegay in gaadhiga uu u naqshadeeyay in uu ka hawlgalo wadooyinka burbursan ee dalka Ciraaq iyo goobaha buuraleyda ah ee dagaaladu ay ka socdaan.

Maxamed Aadan 

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday