Nikolas Kay Oo Qaramada Midoobay Uga Warbixiyay Xaaladda Somalia

(SLT-New York)-Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Nikolas Kay ayaa shalay Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay uga warbixiyay xaaladda Somalia.

Mr. Kay ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowladda Somalia kuwa amisom kaga qabsadeen al-sbabab deegaano ay horey u hesatay, Khilaafka siyaasadeed ee madaxda Somalia , iyo qorshaha higsiga Somalia ee 2016ka.

Mr kay  ayaa sheegay in weli ay taagantahay baahidii ciidamada Midowga Africa iyo kuwa somalia ay u qabeen dayuuraddo dagaal ama helikobtarro ka taageera howlgalada inta dhiman – isla markaana ilaaliya sahayda iyo jidadka gala dhulka al-shabab laga xureeyay.

Waxa uu sheegay in horumar laga gaadhay dhinaca siyaasadda iyo dhismaha nidaamka dowliga ah  oo hadda ay socdaan dib u heshiisiinno iyo dhismaha maalmul goboleedyo ku meel gaadh ah. Hase yeeshee loo baahanyahay in bulshada laga wada qeyb geliyo, dumarka iyo dhalinyaraduna ay saami ku yeeshaan dhismaha maamuladda.

Mr. Kay waxa uu sheegay in Somalia ay u baahantahay in la dedejiyo laba arimood dhismaha Guddiga Qaran ee Madaxa banaan ee doorashada  iyo guddiga arimaha Federalka iyo xuduudaha.

 

C9F46F57-6E60-4674-9D3C-9E281ED78AA3_w640_r1_cx0_cy3_cw0_s

Waxa uu ugu baaqay dowladda Federalka iyo baarlamanka inay sameeyaan qabanqaabada howlaha looga baahanyahay.

Mr. Kay waxa uu sheegay inuu welwel ka qabo halista ay Somalia mar walba ugu jirto khilaaf sayaasadeed oo ka dhex aloosma madaxda dalka.

Mr. Kay waxa uu ugu baaqay hay’adaha siyaasadeed ee dalka, oo uu ku jiro baalamanka inay xoogga saaraan shaqada deg degga ah ee hortaala ee dhismaha hay’adaha qaran iyo hanaanka dhabaha loogu xaadhayo  nabad waarta, xasilooni iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Waxa uu sheegay in booqashadii taariikhiga aheyd ee xubno ka socday golaha amaanka ee qaramada Midoobay ay ku tageen Muqdisho bishii August ay tusaale u aheyd sida beesha caalmaku ay uga go’antahay wax ka qabashada Somalia, horumarka oo la sii xajiyana loo baahanyahay.

Mr. ayaa sheegay in Somalia ay tahay dal ka soo baxaya dhibaato iyo bur bur, rajadu ay fiicantahay laakiin caqabaduhuna weli ay horyaalaan.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Nikolas Kay, ayaa in si deg deg ah looga baahanyahay dowladda Federalka Somalia iyo saaxibada caalamiga ah inay ka wada shaqeeyaan taaba gelinta amaanka, horumarinta, siyaasadda iyo howlaha bani aadnimo ee Somalia.

Mr. Kay waxa uu yidhi si arintaa loo xaqiijiyo waxaa lagama maarmaan ah aragti mideysan, iyo iyadoo meel ay uga soo wada jeestaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo hogaamiyeyaashooda, sidii isbedelka socda loo xoojin lahaa.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com