New Zealand :Nin Iyo Gabadh Lagu Qabtay Malab Ay Soo Xadeen.

(SLT-New Zealand)-Nin iyo Gabadh ka yimi dalka Ukrain ayaa lagu qabtay 3kg oo malab ah iyo 1 kg oo sababta  barsheed ah oo ay ku siteen shandad iyagoo ka dhoofayay gegida diyaaradaha ee Aucland.

9_V3C_9ZW3KMiDZ8_uFImCsYHy0uIlSOrpfzXYAeqc9WH3eHL0owwVOdvZhxJYj-JiPv2ivdBKokDVG8CTe-Ty44uWa-9ht9X1h0PnnExboMSZC-e8Q__bi-nxARyKpW_dX4M69HvFnBKE80q2dVY9sdo5Zq3sA6SVC7brLejFQiLw=w577-h453-nc

Lamaanahan  ayaa sheegeen in ay malabkan u siteen si ay u quutaan , wararka laga soo tabinaayo ayaa sheegaya inay dalka New Zealand ugu safreen si ay uga shaqeeyaan hawlaha xanaaneynta shinida sida uu sheegay masuul ka tirsan Wasaarada warshadaha yar yar ee dalka New Zealand.

Ka dib markii ay xaqiijin kariwaayeen sababta ay malabka intan le’eg  u siteen waxaa lagu soo oogay in ay jabiyeen sharci adag oo dalkaasi uga yaalay dhoofinta waxyaabaha sharci darada ah ee malabku kamid ka yahay, oo xarimaaya in si tuugo ah dalka looga saaro.

Sida ay aaminsanyihiin ururada xanaaneynta shinida ee dalka New Zealand tani waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa nolosha shinida iyo xanaaneynta  dalka New Zealand.

New Zealand waxay caan ku tahay soo saarida malabka nooca loo yaqaano Manuka oo dunida si weyn qaali uga ah.

Somalilandtoday\Hargeisa Office

Contact@Somalilandtoday.com