New York: Dhakhtar Maraykan Ah Oo Laga Helay Ebola

(SLT-New York)-Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa laga helay xaalad cusub ee cudurka Ebolaha. Dhakhtar dhawaan soo daweeyey dad qaba cudurka Ebola ee dalka Guinea ayaa isna laga helay cudurka, haatan lagu baadahayaa cusbitaala ku yaala New York.

Dhakhtarka oo lagu magacaabo Graig Spencer ayaa baadhitaano bilow ah oo lagu sameeyey ay muujiyeen inuu cudurku hayo. Baadhista ayaa ka dhacday cusbitaalka Bellevue ee gobolka New Yorking.

 

59391F96-ECFC-4C09-BCA5-463D4C2F8AF1_w640_r1_s

Xarunta ka hortaga iyo xakameeynta cudurada ee (CDC) ayaa waxay sameeyn doontaa  baadhitaankii labaad si ay si buuxda ugu cadeeyso natiijada baarista.

Gelinkii hore ee shalay oo khamiis ahayd ayaa Dr. Spencer uu ku wargeliyay ha’yadda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn oo uu uga shaqeynayay dalka Guinea in uu isku arkay qandho badan iyo lalabo oo labaduba ka mid ah astaamaha cudurka Ebola.

Saraakiil ka tirsan gobolka New York ayaa sheegay in Dr. Spencer uu arbacadii raacay tareen, isla markaana uu taksi u qaatay gurigiisa. Saraakiisha ayaa raadinaya cid kasta oo xidhiidh la sameysay dhakhtarka. Dr. Spencer wuxuu noqonayaa qofkii afraad ee laga helo cudurka isagoo ku sugan gudaha dalka Maraykanka.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com