Naafadii SNM Oo 23 Sanadood Ka Dib Raadinaya Kaalmo Caafimaad Iyo Xukuumadda & Mucaaradka Oo Isku Haysta Xuska Shuhado Qoysaskii Ay Ka Tageen Dayacan Yihiin

(SLT-Hargeysa) – Buuq iyo is qab-qabsi faro badan ayaa ka dhashay qabashada xuska soddon guurada Maalinta shuhadada SNM oo ku beegan maanta (17/10/2014-ka).
Buuqan ayaa bilaabmey ka dib markii Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, soo saartay go’aan ah in Fannaanada caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) oo doonaysay inay huteelkeeda Hiddo dhowr ee Hargeysa ku qabato xuskaasi, aaney qaban Karin, isla-markaana xuskaasi ay qabanayaan Madaxda Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal, kuwaasi oo u asteeyay inay ku qabtaan huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Cali (Cali Gadh-dheere) ayaa habeen hore soo warqad uu Sahra Halgan ku ogeysiinayo in aanay qaban Karin xuskaasi, maadaama buu yidhi ay Sooyaal la soo socodsiiyeen in Sahra ay ka barbar waddo xaflad la mid ah tooda.
Qoraalka fannaanadda lagaga joojiyey xuskaasi ayaa u dhignaa sidan “Sidaad ogtahayba waxaan kuu sheegayaa in qabashada xuska Shuhadada ay xaq u leedahay madaxda xafiiska Jimciyadda Sooyaal. Haddaba waxaan kula socodsiinayaa inay Madaxda xafiiska Jimciyadda Sooyaal xuska shuhadada ku qabanayaan Maansoor Huteel, sidaa daraadeed waxaan kula socodsiinaynayaa inaan huteelkaaga lagu qaban Karin wax xaflad ah oo ku saabsan shuhaadada SNM” ayuu Wasiir ku xigeenka Amnigu ku yidhi qoraalka uu gaadhsiiyey Sahra Halgan.

DSC00064-475x356
Laakiin, Sahra Halgan, ayaa saxaaafadda u sheegtay in aanay jirin cid u diidi karta qabashada xuskaasi “Raggii Mujaahidiinta SNM ahaa ee Intaan u Heeso Dhamacda iyo Rasaasta ku Gurayey, ayaan Doonayaa In aan Xuso” ayay tidhi, waxayna intaasi ku dartay “Anigu Waan Qabanayaa Xuska Shuhadada SNM Cid iidiidi Kartaan ma Jirto, Waayo Xaqbaan u leeyahay in aan Xasuusto aan Xuso SNM, Meelaha kal ee lagu xusayna waan ka qaybgalaya.”
Hasa-yeeshee, hadalladan ay is waydaarsadeen Wasiir ku xigeenka Amniga iyo Sahra Halgan oo habeen hore ahaa ka dib, waxa wasaaradda arrimaha guduhu shalay gelinkii hore huteelka Hiddo Dhowr ee fanaannadu doonaysay inay xuskaasi ku qabato ay geysay ciidamada loo yaqaanno RRU-da, kuwaasi oo loogu talo-galay inay ka hor-tagaan qabashada xuskaasi, inkasta oo uu xusku ku beegan yahay maanta.
Ciidamada halkaasi la geeyay ayaa waxa ka xumaaday isla-markaana halkaasi tagey qaar ka mid ah Mujaahidiintii SNM, kuwaasi oo ay ka mid yihiinm Ibraahim Dhaga-weyne, Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Guure Jaamac iyo Cali Gurey, kuwaasi oo qaarkood ay is af-dhaafeen Ciidamadii halkaasi joogay, sida uu sheegay Guddoomiyaha kooxda la baxday Madasha wada tashiga, Xasan Guure Jaamac oo la hadlay saxaafadda “Dawladdu waxay u maamushay si xun oo dhinac ah (xuska Shuhadada SNM), in xuska shuhadada laba laga dhigaana wax cusub maaha, waayo KULMIYE markuu Mucaaradka ahaa wuu diiday inuu ka qayb-gallo xafladdii Sooyaal qabatay, waxaanu qabtay xaflad gaar ah, maantana waxa la leeyahay waxa lagu qabanayaa huteelka Maansoor, marka sidaa la leeyahay waa cid gaar ah ayaa ka qayb-galeysa. Markaa dhaqankiibaa is bedalay oo waxay noqotay in Faataxadii la kala yeesho. Markii aanu maqaley in Maansoor lagu qabanayo, ayaanu go’aansanay in annaguna aanu mid gaar ah qabanno, laakiin saaka (shalay) markaanu tagney halkii aanu doonaynay inaanu xafladda ku qabanno, waxaanu ugu tagnay ciidan la dhigay”
Xasan Guure, oo sii hadlaya ayaa sheegay “Waa ayaan daro in raggii SNM ugu mudnaa qori loogu hanjabo (Maxamed Xaashi iyo Ibraahim Dhaga-weyne)..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in buuqii ka dhashay qabashada xuskaasi laga heshiiyey isla-markaana Guddoomiyaha KULMIYE ay isku af-garteen in meel kaliya lagu qabto xuskaasi, lana joojiyo xafladihii Maansoor iyo Hiddo Dhowr “Muuse Biixi waxaanu ku heshiinay in ciidanka laga qaado huteelka Hiddo Dhowr ee Sahra Halgan, waxa kale oo aanu ku heshiinay in la joojiyo xafladda Maansoor lagu qabanayo oo lagu qabto beerta Xorriyadda, kaadhadh la qaybinayayaana ma jiraan, halkaas ayaa Faataxada loogu wada marayaa shuhaadadii SNM”
Muranka ka dhashay xuska shuhadada SNM, ayaa waxa isku fara saarey Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, kuwaasi oo isku maan-dhaafay sababaha Sahra Halgan oo ka mid ah xisbiga WADDANI loogu diiday inay si gaar ah u qabato xuskaasi.
Hasa-yeeshee, Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli qaar ka mid ah naafada ururki SNM ay 23 sanadood ka dib baadi doonayaan kaalmo caafimaad.
Mujaahidiintan naafada ah oo ay jidhkooda ku buuxdo rasaas isla-markaana qaarkood u naafoobeen qumacyada kaga jira hal-bowlayaasha jidhkooda, ayaa waxay xukuumadda iyo cid kasta oo wax ka qaban karta xaaladahooda caafimaad ugu yeedheen in laga guro rasaasta “Waar Walaalayaal Rasaasta ha lanaga guro oo ha lana qalo, oo wixii aan halkan lagu qali Karin raggaa Macdantu wada socoto” sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah naafada Mujaahidiintii SNM ee Hargeysa ku sugan, waxaanu intaasi ku daray “Nin walba wuxuu ku qudhmay gidaar cidlo ah”
Xukuumadda iyo Mucaaradka Somaliland ayaan ka war qabin dhibaatada ay qabaan qoysaska shuhadada SNM iyo naafadii ka hadhay oo ahayd in la iska kaashado sidii wax loogu qaban lahaa, laakiin waxa muuqaneysa in tallaabo kasta oo SNM khuseysa la siyaasadeynayo.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday