Muxuuse Kaga Duwan-yahay Labada Musharax Ee Kale? W/Q: Abdi Aziz Ahmed Ismail

Dadka Ka Faalooda Arimaha Siyaasada Waxay Sheegayaan In Doorashada Madaxwayne-nimo Ee Somaliland In Musharaxa Madaxwayne-nimo Ee XISBIGA KULMIYE MUDANE MUUSE BIIXI CABDI Uu 70-75% Uu Haysto Kalsoonida Shacabka Reer Somaliland , Hadaba Hadaad Eegto Taageerada Balaadhan Ee Maalin-ba Maalinta Ka Danbaysa Uu Kasbanaayo Gudoomiye Muuse, Waxay Ku Tusaysaa In Uu Aqlabiyad Ka Helaayo Doorashooynka Badhtamaha Bisha March Ee Sanadka 2017 Ka Dhacaysa Wadanka Uu Ku Guulaysan Karo Cod Aqlabiyad Ah.

12742487_1560044790977683_2084852770171986847_n (1)

Haddaba Sababtu Maxay Tahay Maxase Kaga Duwan-tahay Doorashadii Hore Ee Uu Xisbiga Kulmiye Ama Musharaxii Wakhtigaas Mudane Axmed Siilaanyo Uu Kaga Guulaystay Xisbiguu Awooda Badnaa Ee UDUB?

.. Khilaafka Xisbiga Ucid Ragaadiyay Ee Aan Illaa Imika Loo Mara-hellin Ee U Dhaxeeya Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe Iyo Musharaxa Xisbiga UCID Jamal Cali Xuseen , Khilaafkaas Oo Ilaa Imika Ku Jira Maxkamada Sare Ee Dalka . Muddo Ka Yar Toddoba Billood Ayaa Ka Hadhay Wakhtigii Doorashada , Xibsiga Uma Dhisna Laamihiisii Goboladu , Golle Dhaxe Mallaha , Hogaankii Xisbiga Wxuu La Kala Safan Yahay Labada Garab. Khilaafkaas Dartii UCID Uma Eeka Mid Doorashada Wax Natiijo Ah Ka Keeni Kara , Iyadoo Ay Dhamaan Taageerayaashiisii Ka Wada Tageen.

.. Xisbiga Wadani Oo Illaa Imika Aan Dooran Musharaxa Madaxwayne-nimo Iyo Ku Xigeen , Shiwaynihii Xisbigana Aan Wali Qabsoomin , Dhawr Jeer-na Dib Loo Dhigay Sida La Sheegay Khilaaf Ka Dhex Jira Jagada Musharaxnimo Ee Ku Xigeenka Taas Oo Ay Ku Tartamayaan Musharaxiin Ka Soo Jeeda Gobolka AWDAL . Saami Qayb-sigii Gollaha Dhexe Ee Xisbiga Oo Aan Wali Dhicin , Madaxdii Gobolada Ee Xisbiga Oo Aan Wali Jirin , Iyadoo La Filaayo Shirwaynaha Xisbiga Iyo Doorashada Musharaxiinta Madaxwayne-nimo Iyo KU Xigeen Ee Xisbiga Ee Khilaafka Ka Jiro In Taageerayaal Badan Ka Cadhoodaan Una Soo Diga Rogtaan Xaga Kulmiye .

Musharaxa Xisbiga Kulmiye Oo Ah Waayo Arag , Muddaday Somaliland Jirtay Ku Dhex Noolaa Shacabkiisa Oo Aan Habeen Ka BIxin Kana Soo Qayb Qaatay Dib U Dhiskii Qaranka Sida Aas-aasidii Ciidamada Qaranka , Qaramayntii Maleeshiyaadka , Dhisidii Golaha Baarlamaanka , Dhismihii Haykalka Dawladnimo Isaga Oo Wakhtigaa Ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha , Wakhtigaas Oo Ahaa Wakhti Adag . Muuse Biixi Waxaa Kale oo Uu Dheeryahay Labda Musharax Ee Kale Wuxuu Ka Mid Ahaa Saraakiiishii Halganka Aadag Uu Soo Gallay Qarankan Ee Dagaalkii Naf-hurida ahaa Kala Horyimid Dawladii Wakhtigaas Afrikada Madaw Ugu Awooda Badnayd . Isaga Oo Naftiisa U Huray In Gumaystihii Ku Habsaday Ay Ka Dulqaadaan Shacbi-waynaha Reer Somaliland.

Muuse Biixi Waa Shakhsi Dhaqan-yaqaan Ah , Beelaha Somaliland Aad U Yaqaana , Kana Mid Ahaa Dib U Heshsiisiintii Beelaha Awdal Iyo Beesha Dhexe Wada Yeesheen Isaga Oo Badi Wax Garadka Awdal , Ay Aqoon Dheer Isku Leeyihiin.

Wuxuu Door-wayn Kulahaa Ama Uu Baddiba LahaaMuuse Biixi Cabdi Iyo Madaxwayne Ku Xigeenkii Wakhtigaas Mudane Cabdi Raxmaan Aw-Cali Faarax Heshiiskuu Hirgallay Ee Lagu Soo Afjaray Murankii CAADA Ee U Dhaxeeyay Beelaha Reer Awdal Iyo Reer Gabilay .
Waa Sababaha Keenay In Badi Dad-waynaha Reer Awdal Ay Taageero Balaadhan U Hayaan Musharax Muuse Biixi Cabdi
Xaga Beelaha Sool , Sanaag Bari Iyo Buuhoodle , Wuxuu Ahaa Wasiirkii Ugu Horeeyay Ee Taga Laascaanood , Kana Soo Qarameeyay Ciidankii U Horeeyay

Wuxuu Door Muhiim Ah Ka Qaatay Magacaabidii Xubnaha Miisanka Leh Ee Xukuumada Siilaanyon Ee Reer Sool , Sanaag Bari , Cayn Oo Uu Ka Midka Ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha .
Wada Hadalka U Socda Kooxda Khaatumo Iyo Xukuumada J.S.L
Diwaan-gallinta Ka Socota Dhamaan Gobollada Bariga Somaliland Taas Uu Muuse Biixi Qayb-wayn Kulahaa . Iyada Oo La Fillaayo In Badi Codadka Beelaha Barigu Ay Siin Doonaan MUSHARAXA Xisbiga Kulmiye .

Abdi Aziz Ahmed Ismail (Abdi Aziz Diyaaro)

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..