Muxuu Muuse Biixi Uga Hadliwaayay Sherkada Sacad Iyo Baashe ee Uu Ugu deg degaya wadahadalada Soomaaliya?

Inagoo qaadaa dhigi doona waxyaabaha soo Muuse Biixi uga hadli waayey dhaca badhedhka ah ee uu ku kashifmay wasiir sacad cali shire oo loo haystay masuul wax bartay dalka iyo dadkana u naxaya xaaraanta ka dhowrsoon, afgaaban balse noqday mindiyo xiiraya oo aakhiro moog ah, sharaf dhacna kala kulmay markii uu yidhi aniga iyo cawil oo ayna isku fac iyo isku aqoon ahayn baan hanti wada leenahay , iyadoo la ogaa boobkii baahsanaa ee cawil Morgan kula kacay berbera iyo dalkaba.

Hadaba waxaa loo malaynayaa in faashilkaa cad muuse hadal uga banana uu la’yahay oo uu kaga jawaabo sidaa darteedna uga cabsaday inuu iska xejin waayo su’aalha dhalinyarada warbaahinta oo uu inta badan ka xanaaqo su’aalaha adag ee ay waydiiyaan, teeda kale muuse biixi ayaa waxaa uu la daalaadhacayaa khasnadii dawlada oo madhan oo uu uGu yimid iyadoo haawanaysa waxaana uu il dhaqaale ka eegayaa meel kasta oo uu is yidhaahdo waxbaa kaa soo gelaya.
Image result for ismacil cumar geele iyo xasan sheekh muuse biixi

Ismail cumar geelle ayaa waxaa uu aaminsan yahay in somliya Mid tahay bals waddankiisu aanu marnaba ka mid ahayn somaliya oo ay isgu ka beri yihiin doonahayna in ay ku soo darsadaan somaliya, waxaase uu ku cadaadinayaa Somaliland in ay ka mid noqdaan isagoo u arka in dhaqaale kaga leexanayo Somaliland oogooni isu taagta waana ta keentay inuu Muse Biixi Malaayiin Dollar siiyo xiligii doorashada, waxaana se ka balan qaaday in uu wada hadalada somaliya soo dedejiyo kana mid noqdo dawlada Federaalka ah.

Waxaa Geelle soo casuumay is aragan farmaajo iyo biixi madaxweynihii hore ee xassan sheikh oo isaga iyo siilaanyo ay meel u wada maraysay waana ta keentay in Siilaanyo ku taageero xagga ciidanka iyo Komishanka oo uu awood siiyey ay gar iyo gardaroba muse ku fadhiisiyaan kursiga looga arrimiyo dalka curdinka ah ee Somaliland .

Waxaa Muse bixi hada dhamays tirayaa balantii Siilaanyo ee Somali doonimada iyo weliba taageeradii ismacil cumar gelle ay ka balan qaadeen labadooduba, isamil gelle ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u koray burburinta Somaliland, waxaay u suurto geli wayday waagii Riyaale oo ahaa madaxweyne adag qawlkiisa iyo kalsoonidiisana ku ahaa mid uu ku adkaa. waxaase taladii somalind cayn wareegtay maalintii Siilaanyo qabsaday oo waddankii dhamaa kolna la leeyahay odaygii,

waa waalan yahay oo cidkalaa meesha maamusha
marna qaliin buu u baahan yahay oo ma caafimaaf qabo
marna islaantaa ka madax dawlada odaygu wax ma oga

hadaba intii horeba been Muuse ayaa kusii galgashay oo waxaynuba u yar egayn dawlade hada maamul goboleeed ayuu meeshiiba ka dhigay isagoo u sii gogol xaadhaya in dawlada federalka laga mid noqdo waana ta keentay in dawladii ay samaystaan shirkado ay iska leeyihiin weligeed aduunka kamay dhicin wasiir dawlad u shaqeeya ama safiir yidhaada anagaa isku qoray oo dawladaana leh oo markay faashilka noqdeena dawladii sii taageerayso waa wax cad muuse inuu ku biirayo maamul goboleedka dawlada federaalka waxaana ka mid ah qodobada loo sheegay muuse biixi kuwan

1) In hargaysa laga dhigo magaalo madaxda somaliya
2) In uu madaxweynaha ka noqdo farmaajona is casilo
3) In la siiyo muuse biixi lacago magdhow ah denbigii dagaalada
4) In somaliya qirato si badheedh ah in ay ula dagaashay s/land

Afartaa qodob ayaa uGu muhiimsan kuwa uu ogolaaday muse biixi kana mid ahaa kuwii siilaanyo soo dhirindhiriyey waxaana markhaati kale u ah wasiirkii hore ee somalinad maxaded cabdillahi oo isla markiiba shirar la geli jiray somaliya aakhirkiina Somalia shaqo ka helay isagoo garoonka cigaal ka soo degay xiligii doorashada. wax xadhiga iyo xabsina ku gelin halka caruur heesta ama gabayo sameeyo jeelka loo taxaabay.

Qosol been ah, fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad
Qullaab iyo kullaab iyo lacaab, laysu qarinaayo
Qiyaamada kobtaa daahira, aan qun ugu soo jeedo
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
Maanaa miniyo lay qarshaa laygu qali doono.