Muwaadin Sheegtay Dhulka Laga Dhisayo Maktabadda Qaranka Ee Hargeysa

(SLT-Hargeysa) – Muwaadin Magaciisu yahay Muwaadin Maxamuud Axmed Cali (Diiqdiiq), ayaa sheegtay mulkiyadda dhulka ka dambeeya wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta isla-markaana loo qorsheeyay in laga dhiso Maktabadda Qaranka ee Somaliland.

Muwaadinkan oo warqad qoraal ah soo gaadhsiiyey Warbaahinta, ayaa Madaxwaynaha Somaliland ka codsaday in dhulkaasi oo uu sheegay inuu sharcigiisa haysto lagu soo celiyo gacantiisa, maadaama buu yidhi wasaaradda hawlaha guud diidday.

wwwwww

Qoraalka muwaadinkaasi ayaa u dhignaa sidan “Mudane Anigoo Magacaygu yahay Muwaadin Maxamuud Axmed Cali (diiqdiiq) isla markaana muddo dheer ka mid ahaa ganacsata waayo-araga ah ee reer Somaliland, Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa arrin culus oo ku saabsan hanti dhul ah oo deyr ii lahayd oo aan ilaa sanadkii 1971 anigu lahaa oo aan sharcigeeda iyo mulkiyadeeda lahaa oo aan ku war helay iyadoo la dhisayo, taaso markaan wax weydiiyey raggii dhisayeyna ay ii sheegeen in adiga oo Madaxweynihii qaranka ihi dhagax dhigtay lagana dhigaayo Library (Maktabad) wax lagu akhristo dhulkan oo ah Deyrka dhanka Koonfureed kaga qabsan Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta kaasoo sida ku cad sharciga iyo mulkiyadda aan haysto oo ku taariikhaysan ilaa 1971-kii”

Warka Muwaadinka

dayr

Muwaadinka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Markay halkaas maraysay aan kiis ka furtay una dacwooday Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo isla markiiba soo saartay warqad amaraysa in wasaaradda Hawlaha Guud kasoo war bixiso arrinkan taasoo aanay kasoo jawaabin wasaaradda hawlaha guud, warqadaas maxkamadda, iyadoo intaa kadibna Maxkamaddu soo qortay warqad xayiraada oo ku socota Taliyaha Qaybta Galbeed ee magaalada Hargeysa, taasoo maxkamada amarkeedaa xayiraada ah uu Taliyaha Qaybta Galbeed ee magaalada Hargeysa uu diiday. Sidaa daraadeed Mudane Madaxweyne, Guntii iyo Gunaanadkii anigoo halkan kuugu soo lifaaqi doona cadaymaha waraaqahaas waxa aan hadalka kuugu soo gaabinayaa maxaa laga filankaraa muwaadinka ay qabsatay cadaalad daradaasi”

Wabilaahi Towfiiq

Muwaadin Maxamuud Axmed Cali (diiqdiiq_

Hargeysa Somaliland