Muwaadin Diwaangalinta Madaniga Ahi Waa Sugida Xuquuqdaada Iyo Dhamaystirka Geedi Socodka Somaliland Ee Gooni Isku Taaga

(( Muwaadin ka faa iidayso fursada diwaangalinta madaniga ah ))

Muwaadin dalka Somaliland wuxuu ka soo gudbay marxalado kala gadisan oo midkasta ay lahayd waayaheega iyo ahmiyadeeda , waxaa nasiib wanaag ah waxay xukuumada uu hogaaminaayo Mudane madaxwayne Axmed maxamed maxamuud siilaanyo waxay ku guu laysatay waxyaabo badan oo kalal gadisan oo saameeya dhinaca dhaqaalaha , siyaasada , waxbarashada , animaha bulshada ee kale iyo maamul dajinta gobalada ilaa dagmooyinka

Muwaadin waxa ay wasaarada arimaha guduhu oo hormoodka yahay wasiirka mudane Cali Maxamed Warancade waxay ku guulaysatay hirgalinta xeerka diwaangalinta iyo dhamaystirka iyo diyaarinta dhamaan kaabayaasha diwaangalinta oo lagu hirgaliyay wakhtigii loo qabtay ka hor loona gudbiyay dhamaan goobaha diwaangalintu madaniga ahi ka socoto waxayna fulisay wasaaradu xeerka iyo

 ggg

dhamaan go aamadii golayaasha .

Muwaadin qaadashada kaadhka iyo isdiwaangalinta madaniga ahi waa sugida dhamaan xuquuda aad leedahay ee ku cad distoorka , waana xaq ay usimanyihiin dhamaan muwaadiniintu laga bilaabo madaxwaynaha ilaa qofka caadiga ahi .

Muwaadin diwaan galintu waa furahaaga horumarka noloshaada oo sumad kuu ah kala soocida adiga iyo ajnabiga taasoo xaq kuu siinaysa in aad dalkaaga ka hesho waxkasta oo aad xaq uleedahay hadii ay tahay shaqo , ganacsi , waxbarasho iyo dhamaan tiirarka nolosha oo mid walaba ubaahantahay cadayntaada inaad haysato aqoonsi

Muwaadin marhadii wasaarada arimaha guduhu oo ka turjumaysa tilmaamaha madaxwaynaha iyo go’ aamada golayaasha oo fursad laguu siiyay in aad si sahalan aad ku hesho aqoonsiga kaadhka ah hadii aad sidaa yeeli waydo oo aad qaadan waydo aqoonsiga diwaangalinta madaniga ah waxaa hubaal ah inaad lakulmi doonto caqabado iyo su ‘aalo cadaynteedu wakhti dheer kaa qaadandoonto

Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa:

Øsadexda xisbi qaran in ay dardar galiyaan ololaha diwaangalinta madaniga ah oo ah xilkooda kowbaad, marhadii ay matalayaan shacbiga ay codka kasugayaan taasoo ah danta qaranka in lahelo codbixiyayaal si loo helo doorasho xaq ah

Øxisbiyada qaranku oo aad moodo in ay ku halaynayaa xukuumada marka la eego hawlgal la ‘aanta iyo dhiiri galin la aanta muwaadiniinta in ay qaataan kaadhka aqoonsiga ilaa intii ay golayaashu ansixiyeen xeerka diwaangalinta oo wakhti laga joogo.

Øwarbaahinta maxaliga ah ee madax banana inay kaalintooda ka qaataan ee yoomiga ah oo ay dadka ku hagaan qaadashada kaadhka taa soo ay ku soo saaraan halku dhigyo iyo maqaalo tirtirsiin galinaya qaada shada kaadha aqoonsiga ah

ØTV yada Somaliland ka hawlgala waxaa iyagana xil kasaaran yahay wacyigalinta muwaadinka oo ay doorkooga ka ciyaaraan qaadashada kaadhka diwaan galinta

ØWaxaa ururada bulshada looga baahan yahay in ay doorkooda ka qaadataa wacyigalineed in lagu tirtirsiinayo muwaadinka qaadashada kaadhka diwaangalinta ah taasoo ilaa hada codkooga iyo goobaabadooda qaadashada kaadhadhka ay yartahay.

Kaftan ahaan murashaxiinta jagada madaxtooyada guushoodu waxay ku xidhantahay helitaanka diwaangalin madaniga ah oo fure u ah codbixinta doorashada madaxtooyada markaa yaad ku halaynaysaan qaadashada kaadhka diwaangalinta.

Xasan suudi Xirsi

Siyaasi madax banaan

xassan suudi <bashkail30@hotmail.com