“Muuse Biixiyow Hargaysa Waynu Wada Leenahay Ee Nabad Galyada Ilaali ”XAMARJI.

(SLT-Hargaysa)- Badhasaabkii Hore ee Gobolka Togdheer  Axmed Cabdilaahi Xamarje oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa  hadalo kulul ku ganay guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay is ag fadhiyeen waxanu ku tilmaamay masuul caadaystay kicinta iyo dhaqdhaqaajinta bulshada  waxanu sidaasi ku sheegay madal meher ahayd oo ay labadooduba kawada qayb galeen waxanu yidhi “Halkaa Saaxiibkaygii hore ee Muuse biixi ayaa fadhiya  waxan kula dardaarmayaa nabad galyada  oo habeenadan khalkhal gashay  waana ceeb magaalada (Hargaysa) waanu wada leenahay odayaal meel fadhiya iyo odayaal ka dul dhacaya wax ceeba weeye ”ayuu yidhi Xamarji .

muuse neef

Habeen Hore ayaay  ahayd markii qaar kamida taageerayaasha Muuse biixi ay Hotel Carown ee magalada Hargaysa ay ku weerareen odayaal iyo culimo la jala Wasiirka Arrimaha dibada  oo ay isku mari laayihiin Musharxnimada Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye.

BY: Abokor  

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com