Muuse Biixi Oo Saaka Safar Qarsoodi Ah Kaga Dhoofay Madaarka Hargeysa Iyo Halka Uu Ku Sii Jeedo.

(SLT-Hargeysa)-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa kaga dhoofay safar qarsoodi ah oo warbaahinta laga qariyey

Gudoomiyaha ayaa safarkan waxaa uu ugu baxay dalka Imaraadka Carabta halkaas oo ay ku sugan yahiin wafti Wasiiro ah oo ay ka mid yahiin Wasiirada Madaxtooyada , Qorsheynta iyo Maaliyada isla markaana kulmo la qaadanaayey masuulyiinta shirada Dp World

Image result for Muuse Biixi oo

Muuse Biixi ayaa la filayaa in wasiiradaasi ay la kulansiiyaan madaxda shirkada Dp World isla markaana ma cadda ujeedka uu kulankaasi daaran yahay .

Shirkadda Dp World ayaa dhawaan xukuumada Somaliland si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Dekadda Berbera taas oo ila hadda buuq iyo shaqo joojin ka jirto dekaddii Berbera.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office