Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horeysay Qiray In Kooto Loogu Xidhay Tartankii Murashaxnimada KULMIYE, Maxamed Biixi Yoonis-na Ku Tilmaamay Nin Qariib Ah

“Maxamed Biixi Yoonis, Xisbiga Ayuu Waageeni Ku Ahaa, Madaxnimuun Buu Doonayey, Markuu Waayeyna Wuu Tagay” Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Somalilandtoday)-Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu maanta ka jeediyey munaasibad lagu soo bandhigayey buugii qorshaha xisbiga Kulmiye, ayaa markii ugu horaysay ku cadeeyey in saddex musharax oo isku taagay Musharaxnimada xisbiga Kulmiye dhexdiisa in laga hor joogsaday inay la tartamaan isaga (Muuse Biixi), kootana loogu xidhay Musharaxnimada xisbiga Kulmiye.

Muuse Biixi waxa uu sidoo kale Tilmaamay in saddexdii Musharax laba ka mid ah waa Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe markii laga hor-istaagay inay isla sharaxaan oo loo diiday waxay doonayeen in aanay ka tagin xisbiga Kulmiye, balse Maxamed Biixi Yoonis oo doonayey inuu Muuse Biixi kula tartamo xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayuu Muuse ku sifeeyey nin qariib (Waageeni) ku ahaa xisbiga Kulmiye oo madaxnimo uun doonayey, markii uu waayey wixii uu doonayey ee laga horjoogsaday iska tagay.

Muuse Biixi waxa uu khudbadiisa ku yidhi “Waxaad ogtihiin afar murashax ayaa isku taagay inay ku tartameen Murashaxnimada Madaxweynaha ee Kulmiye, Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Axmed Kijaandhe iyo aniga Muuse Biixi ayaanu ahayn.

Waxa xaqiiqo noqotay ninkii Kulmiye ahaa wixii uu doonayey markii laga hor joogsaday inuu xisbigii sii ahaado oo uu soo dhisay, ninkii Waageeni ku ahaa Kulmiye inuu u hogaansami waayey wixii xisbigu uu ahaa uu iskaga tagay.” Ayuu yidhi Muuse Biixi

Musharax Muuse Biixi isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi“Waxaan ka mahadnaqayaa Xildhibaan Axmed Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale oo labaduba halkan fadhiya oo Ololaha igula jiraa inay muujiyeen Kulmiye-nimadii iyo Mabda’oodii iyo Mustaqbalka halay eegayaan. Maxamed Biixi Yoonis, waa nin muxtarim ah oo aqoonyahan ah oo waayo arag ah wax kale muu samayn, xisbiga ayuu Waageeri ku ahaa oo aanu qalbiga ka aaminsanayn, Madaxnimuun buu doonayey, markuu waayeyna wuu tagay.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday