Muuse Biixi Ma Noqon Doonaa Wiilkii Cagafta Oo Kale !

Qiso Cajiib Ah !!!

Waa kuma Magufuli

John Magafuli waa Madaxweynaha dalka ku yaalla barriga qaarada Afrika ee Tanzania, waxa uu ka dhashay qoys sabool beeralay ah, siyaasadda dalkiisana waxa uu kusoo jiray muddo labaatameeyo sano ah, hore waxa uu usoo noqday wasiirkii hawlaha guud.

muuse iyo magfuliDadka reer Tanzania waxay ku naanaysaan wiilkii cagafta oo kale ahaa (the Bulldozer), naanaystan oo caan ka ah dalka Tanzania waxa uu ku kasbaday markii uu wax badan ka qabtay dhismaha waddooyinka iyo goobaha isku socodka dadweynaha muddadii uu wasiirka ahaa, sumcadii hore ee arrintaa ka helay awgeed ayaana ku kaliftay inuu hankiisa madaxweynenimo u dallacsiiyo, Waxa uu hadda hoggaamiye ka yahay dal ay ku nool yihiin in ka badan 53 Milyan oo qof, waa dal heerka musuqmaasuqu xadhkaha goostay, waxa uu ku jiraa kaalinta 116 ee dalalka safka hore kaga jira musuqmaasuqa oo tiradooda guud tahay 176dal. sida ay sheegtay (anti-corruption watchdog, Transparency International,).

12 milyan oo ka mida dadka dalka Tanzania u dhashay waxay ku nool yihin heer saboolnimo oo ka hooseeya diillinta faqriga ama saboolnimada, 12kaas milyan ee saboolka reer Tanzania ah waxay celcelis ahaan maalintii soo gala qofka oo uu noloshiisa ku dabaraa wax ka yar $0.60 sida uu sheegay (World Bank).

Muxuu Qabtay Ee Lagu Xasuusan Doonaa?

Madaxweynaha reer Tanzania ee John Magufuli oo la doortay sanadkii 2015, waxa uu helay taageero laxaad leh oo uu ku kasbaday qulluubta reer Tanzania, kadib markii uu ballanqaadyo tiro badan ku sheegay inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa oo ah dhibka ugu weyn ee dalkiisa ka jira, Muddo yar oo toddobaadyo ah markii uu xukunka dalka ku fadhiyay markiiba waxa uu qaaday tallaabooyin hor leh oo taageradiisa sii xoojisay isagoo markiiba abaaray meelihii uu ballanqaadyada ka sameeyay siiba arrinta ay dadku ka dhursugayeen inuu wax ka qabto oo aheyd la dagaalanka musuqmaasuqa.

Tallaabadii u horreysay ee la dagaalanka dhanka musuqmaasuqa ah ee uu qaadayna waxay noqotay:

– Waxa uu markiiba shaqada ka caydhiyay xisaabiyihii guud ee dalka Tanzania, guddidii komishanka la dagaalanka musuqmaasuqa iyo madaxii dekadda magaalada Dar Es Salaam, kadib markii dhammaantood lagu helay inay ku kaceen musuqmaasuq iyo wax is daba marin hanti dadweyne.

– Waxa uu markiiba joojiyay Kharashaad xad dhaaf ahaa oo ku bixi jiray si qaldan oo ay saraakiisha dawladda Tanzania ugu bixi jireen safaro dibada ah oo lacago badan lagu lunsan jiray, iyagoo kiraysan jiray dabaqyada diyaradaha qaalliga ah iyo lacago tumasho ahaan ugu bixi jray hudheelo dibada ah oo ay ku degi jireen.

-52jirkan tusaalaha u nqoday Afrika ee magufuli waxa uu soo kordhiyay qorshayaal lagula dagaalamayo musumusaqua heer kasta oo uu yahay, waxa ugu yar ee musuqa dalkiisa ka qabtayna waxa lagu tilmaamay markii uu mamnuucay in saraakiisha dawladda iyo madaxda sare ee dawladda uu ka mamnuucay in aanay isku hadyadayn Card-ka Christmas-ka ee xilliga dhammaadka sanadka oo ay saraakiisha dawladu lacago badan oo musuq ah ku lunsan jireen.

-bishii april ee sanadkan hadda dhammaadka ah waxa uu shaqada ka eryay in ka badan 10,000 shaqaale dawladeed ah kadib markii la ogaaday inay si musuq ah shaqada dawladda ku heleen iyagoo ka been sheegay shahaadooyinkii ay ku shaqo tageen oo been abuur ahaa.

-Isla bishii julay ee sadkan waxa uu magafuli amar ku bixiyay in lacag dhan 190 bilyan oo gannaax ah laga qaado shirkad kuwa macdanta dhoofisa ah, kadib markii baadhis lagu sameeyay lagu ogaaday muddo sanado badan ah aanay bixin wax cashuur ah, marar badana ay musuq ku heshay qandaraasyo ay si sharci darro ah ku bixiyeen saraakiil dawladda ah iyo inay sidoo kale laaluush siisay madax sare oo dawladda Tanzania ah.

– Ugu danbayn, si uu dadweynaha dalkiisa u tuso in isaga laftiisu uu ka madaxbannaan yahay musuqmaasuq waxa uu soo bandhigay mushaharkiisa rasmiga ah ee uu dawladda ka qaato arrintaas oo sumacad badan usoo jiiday.

Maxay Isku Mid Ka Yihiin Muuse Biixi Iyo Magafuli

Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Tanzania waxay isku mid ka yihiin ballanqaadyada la xidhiidha la dagaalanka musuqmaasuqa iyo saboolnimda, madaxwayne Muuse waxa muddadii ololuhu socday iyo ka hor ba uu marar badan ku celceliyay inuu xooga saari doono la dagaalanka musuqmaasuqa ka jira dalka, iyadoo bulshadu ay ka dharagsantahay heerka musuqmaasuq ee xadhkaha goostay ee ka jira qayb kasta oo ka mida dawladda waxyabaaha ugu waaweyn ee laga filanayo ayay ka mid tahay wax ka qabashada ballanqaadyadaasi.

Haddii ay u suura gasho in Madaxwayne Muuse Biixi oo arrintan la dagaalanka musuqmaasuqa ee uu ballanqaaday ku kasbaday taageero laxaad leh oo uu ka dhabeeyo ballanqadkaas oo ay noqoto waxa u horreeya ee laga arko waxay noqon doontaa mid usoo hoysa kalsooni kale oo ay bulshadu guud ahaan ku qaabisho.

Ugu danbayn, waxaan hambalyo u dirayaa Madaxwaynaha cusub ee Somaliland yeelatay Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaan alle uga baryayaa inuu xilka ku asturo, kana dhigo mid dalkiisa iyo dadkiisa badhaadhe u horseeda idimka ALLE.

Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis

B.B.A. MA in Project planning and PMP candidate

Email: abdirahmanyounis10@gmail.com