Muuse Biixi Iyo…..W/Q: Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka)

Muj. Muuse Biixi Cabdi oo aha halgamaa wayn iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markana wadanka hore uga soo noqday wasiirka A/gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waqtigii Madaxweyne Cigaal AHN Gudoomiye Muse waxa uu geed dheer iyo midgaaban usoo fuulay oo halgan qadhaadh usoo galay sidii xisbiga kulmiye wadanka u qabsan laha isla markaana Oday Madaxweyne Siiraanyo wadanka kursiga ugu sareeya  ugu fadhiisan laha waxaa inbadan Muse Lagu dhaliilaa in uu Siilaanyo awrkiisa ku kacsaday markii uu u baahna markii uu dantiisa ka fushadayna uu muraayadaha ka dalacday iyadoo balantii uu u qaaday ee ahayd shan sano markaan dhamaysto hadaaan noolaado adiga musharax ka noqon doono Kulmiye kuna tartami doona doorashada madaxtooyada hadaba waxaad mooda in bari hore balantaa uu Siiraanyo kaga baxay Muuse Biixi.

unnamed

Waxaa bilaabmay damac badan oo xisbiga Kulmiye guduhiisa ah waxaa line dheer ugalay musharax nimada Kulmiye group magacooda loosoo gaabiyo haakah sugayaasha oo macnaheedu tahay marka uu dhamaysto Siiraanyo ayan is Sharixi doona hadaba wark lasoo dhaaf kadib markii uu daaqada ka baxay saxiib wayn oo waqti adag lasoo shaqeeyay Siiraanyo waa Sheekh Samaale oo hada dhexdooda deeradu dhex mirato isla markaana ku coloobay waayaha siyaasada xisbiga Kulmiye ee cakiran oo runtii saxiibo badan kala irdhaysay, groupkii Haakah sugayaasha waxaa kusoo biiray Rag hor leh oo iyaguna culayskooda leh waxaana ka mida Wasiir Xirsi X. Cali iyo Wasiro kale oo ay isku gobal kasoo jeedaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland hadana ka mid ah raga shookaanta la weeciya marka ay casiraad adag la gasho madaama oo uu odaygu itaal dareeyay.

Loolanka Xisbiga Kulmiye gudihiisa waxaa saamayn wayn ku leh dumar hadana door wayn ku leh siyaasada xukuumadu ku socoto waxa horkaca haweenkaas marwada madaxweynaha iyo wasiiradda maaliyada oo saaxiibo dhow aha muddo dheer, loolankan xisbiga oo horseedi kara burbur horleh oo xisbiga ku yimaada isla markaana meeshaba ka saara xisbiga sidii looga bartay Udub.

Mujaahid Muse Bixi marabaan casaabadu inuu noqdo musharaxa dhabta ah ee xisbiga Kulmiye mana eryi karaan mana doonayaan nuu ka tago oo waxay ku keeni kartaa hoos u dhac wayn kala jajab hadaba waxay arintani ka dhigantay noolaha la yidhaahdo Qudurada oo aad ugu eg jirjiroolaha ayaa waxa aad uga baqa maska oo ah xawaan sunta wax ku dila waayo iyada ka sun badan hadiiba uu ku qaldamo oo uu mulac moodo oo uu qabto hadii uu liqo wuu ku dhinta hadii uu iska dhigana uu indho beela, Abwaankii ka gabyey wuxu yidhi MASKII QOORTA DHEERA WUXUU QAAMUDKII GALAY MARKUU QAATAY QUDURADA QABAY OO MA DHIGI KARO QAADAY OO MA LIQI KARO…….

Allaah Mahad leh

Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka)