Musharraxa Madaxweynaha Ayaan La Hadlaya: Q.4-aad; W/Q Cabdiraxmaan Cadam

Badbaadinta Degaanka Iyo Xoolaha

Dhaqaalaha Somaliland wuxuu ku tiirsan yahay xoolaha nool, inta badan bulshadana noloshoodu waxay ku tiirsan tahay xoolaha iyo beeraha. Madaxda xukuumadda waxa laga maqla iyaga oo ku celcelinaya xooluhu in ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, dabcan haa waa run mana jiro khayraad kale oo u dhigma laakiin, madaxdeena ma ka dhabaa mise waa hadal afka laga yidhi oo aan uurka jirin? Ma rumaysna muhiimadda iyo halka xooluhu kaga jiraan nolosha xoolo dhaqatada iyo magaalooyinkaba, waxa makhraati kuugu filan miisaaniyadda sanad kasta loo qoondeeyo wasaaraddaha xannaanada xoolaha, beeraha iyo wasaaradda degaanka, makhraati kale waa sida xukumaddu aanay u danayn ama wax uga qaban gumaadka dhirta iyo dhuxusha.

Intaba waxa ka sii daran seeraha laga ootay dhulkii xooluhu daaqi jireen; sidaa daraadeed markii la waayay meel loo foofiyo ama xataa meel ay maraan dad badan waxay ku kalliftay in ay xoolihii iska xaraashan kadibna magaalada soo galaan waana culays kale oo ku soo kordhay dhibaatadii shaqo la’aanta dalka. Haddii ay sidan ku sii socotana waxa hubaal ah in xoolihii aynu ku faani jirnay si dhakhso ah u dabar go’aan, dhulkuna noqon doono saxaare lama degaan ah. Waxa loo beehan yahay siyaasad, qorshe iyo awood dawladeed oo lagu badbaadiyo xoolaha iyo nolosha miyiga.

Gaadiidka iyo Waddo Marista

Somaliland shookaanta baabuurtu waxay ku taalla dhinaca midigta waxaanay maraan dhinaca bidixda. Maqluubka socodka gaadiidku wuxuu sababa shilal aad u tiro badan, sanad kasta waxa ku dhinta ama ku dhaawacma boqolaal ruux oo haddii la sixi laha tiradu intaas ka yaraan lahayd; waxa ugu sii daran gaadiidka dadweynaha sida basaska gaar ahaan kuwa ardayda yaryar u qaada dugsiyada oo albaabka laga kora ama laga dega ku yaallo haadka baabuurta kale marayso.

Runtii waa masuuliyad darro weyn, tamar darro iyo damiir xumada madaxda 26 sannadood daawanaysay dhimashada muwaadiniinta iyo khasaare joogto ah. Xalku waa wax fudud, in aynu kala doorano baabuurta Steering-ka midigta ku leh oo la joojiyo iyo in haadka la bedelo.

Caddaaladda iyo Sinnaanta Muwaadiniinta

Saaxiibayaal ila wadaaga sheekadan iyo awoodda iyo faa’iidada caddaaladdu leedahay iyo sinnaanta muwaadiniinta dhib iyo dheef-ba. Dalka yar ee Singapore oo dhul ahaan lagu qiyaaso 20KM2, gobanimadii kadib wuxuu la midoobay dalka Malaysia hase ahaatee khilaaf soo kala dhex galay awgii Malaysia waxay ka saartay midnimadii. Qiimayn la sameeyay waxa la isku raacay Singapore in aanay noqon Karin dal iskii u jiri kara. Laakiin, hoggaamiyihii mucjisada ahaa Lee Kuan Yew wuxuu rumaysna falsafadda ah: caqli badan ama garaad aad u sarreeya, anshax wanaagsan, karti iyo daacadnimo marka la isku daro Singapore waxay u bedeli karaan khayraadka dabiiciga ah, waxayna noqon karta dal jiri kara oo waliba hodan ah. hase yeeshee si riyadiisu u rumawdo waxa ka hor yimid hal dhibaato oo ahayd sidii ummad(Nation) reer Singapore looga dhigi laha 3 qoomiyadood oo jasiiradda kuwada nool oo kala dhaqan ah, oo kala af ah, oo kala aamminsan diimo kala duwan; isla marka mid kastaba wuxuu ka soo jeeda oo uu daacad u yahay mid ka mid ah quwadaha waaweyn ee gobolka(Malaysia, India iyo China) hase ahaatee wuxuu ku guulaystay 3 qoomiyadood in ay isku aqoonsadaan in ay yihiin umad gaar ah iyo dal gaar ah oo ka mid ah dalalka gobolka.

Maanta Singapore waxay ka mid tahay dhawrka Waddan ee ugu hodansan dunida.

Haddaba mar la waydiiyay Mr Lee su’aasha ah sidee ayay kuugu suurto gashay midaynta 3 qoomiyadood? wuxuu ku jawaabay hal eray oo qudha wuxuu yidhi “Caddaalad”.

Mudane musharrax waxaan u malaynaya sheekadu in ay kuugu filan tahay hogotusaalayn iyo cashar aad ka baran karto qiimaha caddaaladda iyo saamaynta ay ku yeelan karto horumarka dalka iyo midnimada Umadda.

Dhammaad

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com