MUSHARAXII UGU DA’DA YARAA OO SHAACIYEY INUU U TAAGANYAHAY DOORASHADA

MUSHARAXII UGU DA’DA YARAA OO SHAACIYEY INUU U TAAGANYAHAY DOORASHADA BAARLAMAANKA inta la ogyahay musharaxii ugu dada yaraa abid ee isu taaga doorashooyika dalka ka dhacay ayaa daboolka ka qaaday hamigiisa ku aadan inuu ka mid oqda golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland taasoo la filayo in ay dalka ka qabsoomaan badhtamaha saadka foodda inagu soo haya. musharax Eng. maxamed barre awraan oo ka mid ah aqooyahanka dhalinyarada ah ee gobolka togdheer kana mid ah dhalinyarada ugu firfircon magaalo madaxda gobolka togdheer ayaa cadeeyey inuu u taaganyahay kursiga golaha wakiilada ee doorashada la filayo inay dalka ka qabsoonto taasoo uu ku sababeeyey faquuqa iyo ka qayb qaadasho la aanta dhaliyarada ka haysata siyaasadda guud ee dalka. sidoo kale musharax Eng. maxamed barre awraan waxa uu u balnqaaday bulshada ku dhaqan gobolka togdheer gaar ahaan dhaliyarada reer burco in hadii uu ku guulaysto xubin buuxdana ka noqdo golaha wakiilada somaliland uu wax ka qaban doono dhinacyada dhaqa dhaqaale, horumarinta dhalinyarada, siyaasadda arimaha debedda, horumarinta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada horumarinta deegaanka taasoo uu sheegay in bulshadu baahi weyn u qabto. dhanka kale, musharax Eng. maxamed barre awraan wuxuu taageerayaashiisa iyo bulshada reer burcoba u balanqaaday in aanu sidii xildhibaanadii hore aanay ku hugoobi doonin ee uu dib ugu soo celinayo abaalka ay ku leeyihiin balaqaadyadiisana uu ka dhabay doono. ugu dabaytiina waxa uu musharax Eng maxamed barre awraan u soo jeediyey qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqa gobolka togdheer inay codkooda siiyaan si uu ugu hiiliyo,

mu

isagoo sheegay inaanu ahayn musharaxa reer u sharaxan ee uu yahay musharaxa u sharaxan dhalinyarada iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka togdheer. waa markii u horaysay ee dalka jamhuuriyadaa somaliland lagu arko musharaxa da,dan ah oo isu taaga doorashooyinka dalka taasina waxay cadaynaysaa dimuqraadiyadda ka hana qaaday wadanka somaliland iyo bisaylka dhaliyarada ee ku aadan jaangoynta siyaada wadanka

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..