Musharax Daadacnimo Ballan-qaadey Oo Isku Soo Taagey Doorashada Baarlamaanka

(SLT-Hargeysa) –  Maxamuud Axmed Jaamac, oo ka mid ah Mudaniinta reer Somnaliland, ayaa isku soo taagey doorashada Golaha Wakiilada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sanadka soo socda.

Maxamuud Axmed Jaamac, ayaa ku dhawaaqey inuu Musharax u yahay doorashada golaha wakiilada isla-markaana uu ka mid yahay Musharixiinta doorashadaasi uga tartami doona xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Musharaxa oo maanta saxaafadda kula hadlayey Hargeysa, ayaa sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo inuu ku soo baxayo doorashada Goolaha wakiilada, maadaama oo buu yidhi aan muddo dheer ka mid ahaa xisbiga KULMIYE, haystana taageerayaal codkoodu ku filan yahay inuu ku soo baxo doorashada Baarlamaanka Somaliland.

Musharax

Maxamuud, ayaa ka mid ah dhalinyarada caasimadda Hargeysa ee hore aadka uga dhex muuqdey ololayaashii badnaa ee xisbiga KULMIYE ku hantay kursiga dalka ugu sareeya, waxaanu wakhtigan u soo ban baxay inuu ka mid noqdo Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee dhawaan la dooranayo..