Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

2.3  Nin rag ah hooyadiina u tu’iyayoo walaal wax uu ku dhaamo waayey

Nin geesi ahaa oo la odhan jiray Wiil-Waal oo aan dabadii la hadli jirin ayaa tuhmay in mid ka mid ah dhawr dumar ah oo uu qabay ay gogol-dhaafka taqaan isla markaana ay la samayso wiil uu isagu soo koriyey oo uu walaalkii dhalay. Inanka hooyadii wuxuu aabihii furay isagoo aad u yar waxaanay u guurtay reerkii ay ka dhalatay.

Ambassador-Cumar-Xaaji-Maxamuud-1

Wiil-Waal oo tuhunkaa qaba, isla markaana aan is lahayn dunida cid kula geesinimo ah ama kula garaad ah ayaa ku nool, ayaa maalin maalmaha ka mid ah isagoo la cawaynaya xaasaskiisii ay midkood ku tidhi:

“Wiil-waalow nin baa raggaaga ku jira kaa geesisane bal soo hel?”

Wiil-waal baa yidhi: ”Maxaad leedahay? Ma ogi nin iga geesisane bal adigu ii sheeg.”

Waxay ku tidhi: “Habeen dambe waadiga maqan. Waan u yeedhi doonaa oo habeenka oo dhan ayaan u sheekayn doonaa. Waxad ku garan doontaa marka aad ragga shiriso sahandambe waa ninka lullooda.”

Wiil-Waal sidii ballanku ahaa ayuu maalintii dambe raggii intuu soo shiriyey meel bannaan isugu keenay. Hadal dheer oo baane ah ayuu jeediyey. Isagoo hadalkii wata ayuu arkay inankii uu adeerka u ahaa oo lulloonaya. Waa qofkii uu uga shakisnaa mid ka mid ah xaasaskiisa laakiin kuma uu tuhunsanayn garaad iyo geesinimo toona. Inta uu hadalkii joojiyey ayuu ku yidhi:

”Waar waa sidee ma hurdaa ku haysa?” Inankii inta uu markiiba soo jeestay ayuu yidhi:

“Adeer hurdo ima haysee, waxan ka fikirayey naaso dameeraad ma horraaddaa mise waa dambeedyo.”

Wiil-Waal uma jawaabine, wuxuu is yidhi waar kani maaha kii ay kuu sheegeysey, dabadeedna hadalkii ayuu halkii ka sii watay. Maxaa yeelay wuxuu doonayaa in ay raggu caajisaan oo ninkii afadiisu sheegeysay inta uu lulloodo uu sidaa ku qabto. Haddana mar kale ayuu arkay inankii uu adeerka u ahaa oo indhaha isku haya, markaas ayuu haddana mar kale ku celiyey oo yidhi: Waar ma hurdaa ku haysa?

Inankii intuu haddana markiiba soo booday ayuu ku yidhi: ”

“Adeer hurdo ima haysee waxaan ka fikirayey naaso hablood ma cad baa mise waa carjaw.”

Wiil-Waal oo yaaban ayaa shirkii kala diray. Cid kale oo lullootayna raggii wuu ka waayey. Xaaskiisii ayuu ku warceliyey wuxuuna ku yidhi “raggii wakhti dheer baan la hadlay, wax lulloodana kuma arag.”

Xaaskiisa qudheedu way u qaadan wayday waxaanay ku tidhi: “Caawa ayaan faraqa go’iisa middi kaga jariye waa ninka calaamadaa aad berito ku aragto marka aad ragga shirinayso”.

Inankii markii uu habeenimadii  ka tegay iyadii ayuu arkay in ay go’iisii calaamad u yeeshay, isaguna intuu raggii kale wada maray ayuu nin walba go’iisii u yeelay calaamaddii oo kale.

Wiil-waal markii uu subaxnimadii raggii soo shiriyey ayuu ku wada arkay iyagoo dhammaantood calaamaddii wada leh. Markii uu taana ku heli waayey ninkii ay ooridiisu sheegeysay, ayey haddana ku tidhi:

“Berrito anigaa martiqaad u karinaya dhammaan raggaaga’e, waxaad u sheegtaa in aanu ninna weel soo qaadan. Marka ay safka soo galaan waxaan cuntada ugu ridi doonaa nin walba go’iisa, ninkaan sheegayaa waa ninka diidi doona in uu faraqa soo dhigto, sidaas baanad ku garan doontaa.”

Markii raggii soo dhammaaday ee nin walba faraqa soo dhigo la yidhi, wuxuu inankii is-taagay halkii ugu dambaysay safka. Markii uu soo gaadhay goobtii cuntada lagu qaybinayey ayuu yidhi: “Aniga ciddi igama dambaysee, dherigaan ku cunayaa.”

Wiil-waal oo ay isku qaban la’dahay yarkan qabka ku jira iyo dabin-ka-boodnimadiisa, ayaa maalin maalmaha ka mid ah ku yidhi inankii sahan baan tegeynaaye inna keen. Iyagoo labadoodii faras kala fuushan ayey siday u socdeen meel fog ka arkeen haad faro badan oo cirka ku shareeran. Wiil-waal baa intuu faraskii hakiyey inankii ku yidhi:

“Haadkaasi muxuu sheegayaa?”

Inankii baa markiiba u jawaabay oo yidhi: “Keennii ishiisu jeedsato ayuu geeridiisa sheegayaa.”

Wiil-waal oo weedhaasi dareen gelisay, ayaa maalin dambe inankii ku yidhi saaka waan shaxaynaaye kaalay ila dhig. Markay shaxdii bilaabeen ayaa Wiil-waal oo geeddigiisii guurayaa yidhi:

Wanaagsane walaalkay dhalyow wiilkayow Maxamad

Sac wanaagsanoo wayl dhaloo kayn wahdiya jooga

Oo yarase waal-waalanoo wiilasha eryooda

Weli inaanad naaskiisa qaban ii mar wacad Eebbe

Inankii intuu godkiisii shaxda guurey ayuu ku yidhi:

Adeer adigu way waanisee waxan ku weydiiyey

Hal waraabe dilay oo haddana weli xalaaleeyey

Waax qabo haddii lagu yidhaa aan wax kugu raacin

In aanad weel u soo qaadateen ii mar wacad Eebbe

Ciyaartaa shaxda ee ay wada dhigeen iyo sarbeebtaa la is dhaafsaday waxay Wiil-Waal u xaqiijisay in uu yahay ninkii la sheegayey. Waxaanu Wiil-Waal go’aansaday maalintaa laga bilaabo in uu ka aarsado inankii uu adeerka u ahaa. Waxaanu ku tashaday inankaa yar ee ragganimadiisii iyo geesinimadiisii uu beesha hoormoodka ugu ahaa soo hungureeyey, arrimo kale oo dhaqanka ka baxsana uu u tuhmayo, in uu iska reebo oo si aanu dib dambe rag wax ula qaybsan uu hooyadii u dhiso, maadaama hooyadii la furay isagoo yar intaa uu korayeyna aanay is arag oo midkoodna kan kale garanayn.

Wiil-Waal inta uu inankii kaxeeyey ayuu abaanduule uga dhigay deegaankii hooyadii ku noolayd. Markii uu deegaankii ku ballamiyey, ayuu ku yidhi adeer cidla kaaga tegi maayee waxaan kuu dhisayaa haweenay ku dhiqi karta. Markaasuu ilayn isma garanayaane hooyadii u meheriyey isla habeenkiina aqal ugu hooyey.

Markii ay inankii iyo hooyadii gurigii isugu tageen, ayaa jiidhku waa balaayee labadoodiiba dareen damqasho lihi kala dhex rooray. Markii ay is wareesteena waxay garteen in ay is dhaleen oo ay wiil iyo hooyadii yihiin.

Inankii wuxuu hooyadii kula heshiiyey in aanay cidna wax u sheegin oo loo haysto in ay is qabaan, hase yeeshee ay u doonto naag uu guursado. Wiil-Waal oo u haysta in uu inankii hooyadii qabo ayey naagtii hooyadii u dhistay u dhashay wiil. Inankii oo cadho iyo ciilba u qaba adeerkii Wiil-Waal ayaa ku taamayey sida uu uga aarsan lahaa odaygaa u quudhay in uu hooyadiisii dhashay aqal ugu xereeyo. Dabadeedna wuxuu ku amray naagtiisii in marka ay ummusho in ay madheerteeda ka samayso muqmad. Kadibna wuxu farriin u diray adeerkii Wiil-waal isagoo ka codsanaya in uu u yimaaddo si uu ugu magac bixiyo curadkiisa u dhashay. Wiil-waal oo u haysta in inankuu adeerka u ahaa ka dhalay islaantii hooyada u ahayd ee uu u dhisay ayaa isla markay farriintii u tagtayba degdeg ugu yimid.

Markii uu habeenkii u hoyday, ayaa subaxnimadii sida caadadu tahay loo soo dhigay fijaankii muqmadda ahaa ee loo sii diyaariyey. Markii uu mar labaadkii liqay ayuu Wiil-Waal soo celiyey wixii calooshiisa ku jirey, waxaanu ku yidhi: “Adeer wacad baan kuu marayaa in aanan waxba kuugu qaadine ii sheeg waxaad i siisay!”

Inankii wuxuu Wiil-waal ku yidhi:

Adeer garas baad igu dhishay

Anna waan kugu fooyeeyey!!

Wiil-waal markii uu yaqiinsaday in aanu ka lib-keenayn inankan uu adeerka u yahay, ayuu yidhi hal-haystan caanka noqotay: “Rag habartiina u tu’iyayoo, walaal wuxuu ku dhaamo waayey”.

Xigmadda aynu sheekadan kala baxaynaa waxa weeyi in ficiltanka aan lagu kala guulaysan laakiin lagu guulaysan karo wada-hadalka iyo heshiiska.

La soco qaybaha dambe…