Murashaxiinta U Tartamaaya Kursiga Madaxweynaha Somalia Oo 20-Kamid Ahi Haystaan Dhalashooyin Wadamo Shisheeye.

(SLT-Muqdisho) Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya oo  ka kooban 24 Musharax ayaa la ogaaday in 20 ka mid ahi ay heystaan Baasaboorada waddamo shishiiye oo  dalal kale ah. Sida ay soo bandhigtay Saxaafaddu, afar ka mid ah Musharaxiinta u ordaaya kursiga Madaxweynaha Somalia ayaan iyagu haysan  baasaboor Ajnabi.

8 ka mid ah Musharaxiintaas ayaa haysta  Baasaboorka dalka Mareykan, halka dalalka Canada iyo Britain ay baasabooradooda haystaan  Lix Musharax. Sidoo kale dalalka Kenya iyo Jabuuti oo deris la ah Somalia  ayaa waxa Basabooradooda haysta laba Murashax.

Haddaba halkan hoose ka akhriso 24-ka Musharax iyo Waddamada ay baasabooradooda haystaan.

musharraxiinta madaxweyne 1 musharrax madaxweyne 2

Somalilandtoday/Muqdisho/Office.