MURASHAXA XISBIGA UCID FAYSAL HA JAMAL MAYA

SC,

Waxaan jeclaystay inaan markan idin kala faaloodo xisbiga UCID, siyaasadihiisa iyo sida wax u socdan

sida ka muuqata cinwaanka maqaalkaygan waxaan dhowr jeer is dultaagay qorshaha uu ku doonayo xisbigu inuu kursiga dalka ugu sareeya ku hanto

hadaba waxaa isu kay qaban waayey hadalada aanay ka muuqan xirfad siyaasadeed,masuuliyadeed lexejeclo dadeed ama daleed ee ay la yimaadan maxfalada iyo warbaahinta horteeda nimanka isu dhigay inay haldoorka xisbiga yihiin oo ah iyagu kuwa doonaya inay kursigan dahabiga ah ku fadhiistan ragu iskuma jire waa murashaxa madaxweyaha xisbiga JAMAL CALI XUSEEN,  kuxigeenkiis C/RASHID XASAN MATAN iyo CALI YUSUF MAXAMED (CALI GUREY) oo ah gudoomiye ku xigeenka 3ad.

 

index

waxa la yidhi qofkow sidaad isu taqaan maahe waa sida dadku kuu yaqaan nimanka iyaga ahi waxay is yidhaahdan sidan baa dad xisbiga ugu soo xereynaysan laakin maaha sidaa u dhigteen waxaa jira dad badan oo xisbiga jecla inuu soo boxo oo habdhaqanka iyo falsafada JAMAL iyo CALI GUREY aad uga yalaaluguuda JAMAL luuqadiisu waa mid weli khibrad badan iyo waayeelnimo ka maqan tahay awrka reerku ku guura waa ka ratiga ah qaalinku wixii la saaro wuu burburiya Jamalna waa qaalin layli iyo carbis siyaasadeed oo waqti dheer qaata u baahan odayga CALI YUSUF se 2ba shay ba isugu darmay nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raacdeeye iyo afkana waa yaqaa waana ka agnaane.

Carabtu waxay tidhaahda (الثالثه ثابثه)oo ah mar saddexaadku waa hubaal haddaba si xisbigu u helo kalsoonidii dadka gobolada dalka oo idil waa in talooyinkan la dhaqan geliya.

1- JAMAL CALI XUSEEN waa inuu ka tanaasila murashaxnimada madaxweyaha xisbiga 

2- FAYSAL CALI XUSEEN waa inuu isagu noqda murashaxa xisbiga si kalsoonidii jamhuurka loo soo celiyo waxaan filaya dastoorkeenu wuu ogol yahay inuu marsadexaad is sharaxo.

3- waa in gobolada dalka oo idil dardar cusub lageliya

4- JAMAL  kol haddu yahay dhaqaale yahan muddooyin bada ka soo shaqeeyey bangiyada waa inuu bangiga dhexe madax ka noqda kolka xisbigu ku guulaysto talada dalka si uu fursad ugu helo uu ku barto dhaqanka siyaasadeed ee bulshada reer SOMALILAD taasina ay keento inuu doorashooyinka dambe isu sharaxo isago hayin ama rati carbis dhamaystey noqday.

 

ISMA DHAAFNO.

Cabdalle Sahal