Murashaxa iyo Hogaanka Xisbiga Wadani Oo Shirdoceedyo Isdaba Joog Ah Iskaga Dabqaadey Burco.

(SLT-Burco)-Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro) iyo hogaanka Xisbiga Wadani oo uu hormuud u yahey hogaamiyaha Xisbigu Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Shirdoceedyo aan kala go. Laheyn la qaatey Guud ahaanba qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Togdheer gaar ahaana Magaalada Burco.

Shirdoceedyadan oo u bilaabmey kadib markii ay ka food qaadeen Soo dhaweyntii muga iyo miisaanka laheyd ee guud ahaan Shacbiga Reer Burco kusoo dhaweeyeen Waftigii uu Hogaaminayey khamiistii Todobaadkii hore oo ashqaraar iyo Fajac ku noqotey Xisbi Xaakimka Kulmiye Taageerada aadka iyo laxaadka leh ee dhoolatuska Weyn noqotey, waxaanay qodobo hordhac iyo gabagbo leh isula waafaqeen hormooyinka Bulshada isbadel doonka ah ee Shacbiga Reer Burco ha u badnaadeen dhalinyarada iyo haweenka Bariga Burco oo si qulqul ah isugu soo Shubey Xisbiga Wadani,kuwaas oo usoo xadhko xidhey in ay dhiiranaan dardar leh ku gali doonaan dhawaan ololaha loolanka jagada Madaxweyne ee niska dhaw la filayo in ay ka bilaabanto dalka.

Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa balabqaad adag oo Axdi culus ah ugu balanqaadey Qeybaha Bulshada Burco in uu Xooga saari doono Sidii Wax loga qaban lahaa Sixirbararka iyo Musuqmaasuqa dalka aafeeyay,isagoo wacad ku marey in uu Si degdeg ah wax uga qaban doono guud ahaanba Adeegyada aasaasiga u ah Bulshada sida Caafimaadka,Waxbarashada,iyo Biyaha oo dhamaantood Xiligan fadhiid noqdey Geedi socodkoodu qodobadaas khuseeya Arimaha Nolosha Aadamaha oo qeyb ka noqdey arimaha ay sida gaarka ah Shacabka Burco ugu asteysteen Taageerada isbadel doonka Xisbiga Wadani waxey Shirdoceedyadan lagu kala axdi qaatey intooda badani ku dhamaadeen is afgarad iyo heshiisyo Gobanimo oo gunta hoose laga udbey.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office