Murashax Cirro Ficilkii Uu Sameeyey Ololihii Doorashada Ayaa Dhaafiyey Murashaxiintii La Tartamayey..W/Q Sanwaa Cumar Yare

MUWAADIN OGOOW SOMALILAND MAAHA, OO MA LAHA, UMANA JIRTO KALIYA BEELAHA ISAAQA, BALSE WAXAY KU DHISANTAY AMA JIRITAANKEEDU KU DHIDBAN YAHAY DHAMAAN BEELAHA WADA DAGA LA AJLIGOOD. MARKAY SIDAAS TAHAY EE TAARIIKHDUNA QORAYSO IN AY TAHAY MEEL LAWADA LEEYAHAY, SHAKI KUMA JIRO IN MADAXWEYNAHA SOO BAXAYAA UU NOQDO MID LOO DHAN YAHAY. TAASI WAA MID, TA LABAAD WAXAY TAHAY, BINI’AADMIGU ISKU SI AYUU U FIKIRAAYOO, NINKA KU SOORA AMA KUSOO DHAWEEYA, AMA AAN COLAADI IDIN DHEX MARIN, WAA NINKA AYDIN NAF QAYBSI NOQOTAAN. BAL OGOOW, TAAS WAXA MUUJIYA FICIL-AHAANA LOOGU ARKAA CIDA ISU CALOOLSAN DHEXDOODA!

ANIGOON HADALKA DHEERAYN, MURASHAXA WADANI WUXUU SAMEEYAY HAB-DHAQAN AAN MAANTA IDIN XASUUSINAYO KAASOO AH INUU DHAMAAN GOBOLADA DALKA ISU-SOO BAXII UU GAADHIGA KALA BAXAYAY QAARKA SARE SIDA KU CAD SAWIRKAN HOOSE!!!!!!!!!!!!

MUWAADIN ADIGOONAY KU QAADIN DAREENKA AH: TAADA UUN HA NOQOTO, BAL HADA U FIIRSO

OO DIB U EEG OLOLAHII 21 CISHO EE WALI SII XIIMAYA. 3 MUSHARAX MIDKOODNA DIB UMUU DHIGAN XEELAD IYO XIRFAD UU ISKU MUUJIYO MAALMAHAAS CAYINNAA!

INAGOO KA DUULAYNA, HAB-DHAQANKII MURASHAXIINTA AQALKA MADAXTOOYADA EE SOMALILAND, MAXAA SAAMAYN IYO SAWIR-MASKAXEED AY DADKA MASKAXDOODA KU REEBTAY HAWLIHII OLOLUHU??  WAA ISMUUJINTA MUSHARAXA WADANI MR.CRAXMAN MAXAMED C/LAAHI

‘’CIRO’’ OO GOBOLKASTA AY KUSOO DHAWAYNEYEEN KUMAAN-KUN DADWEYNE AH, ISAGUNA KAGA JAWAABAYAY IS MUUJIN IYO GAADHIGIISA OO UU KA DHEX BAXO ISAGA OO GACMAHA KOR

U TAAGAYA, TAASOO AY DHEERTAY QOSOL IYO WAJI FARXADI KU DHEEHANTAY!!!

WAXAAN KAGA BAXAYAA: MAXAA KEENAY INAY SIDAA SAMAYN WAAYAAN LABADA MASUUL EE LA MIDKA AHAA, AMA MUUSE BIIXI INUU BEERTA XORIYADA DHEXDEEDA GAADHIGA KALA BAXA QAARKA SARE MAALINTII U DAMBAYSAY OLOLIHII XISBIGA KULMIYE!!!!? IDINKAA KA JAWAABI…

ASALAAMU CALAYKUM